QM oo sheegtay in Al-shabaab ay Lacag badan ka hesho Dhoofinta Dhuxusha

Khamiis, June 26, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay iyo Interpol ayaa sheegtay in Al-shabaab ay ka hesho dhoofinta dhuxusha ay lacag u dhexeysa 38-milyan illaa 56-milyan oo doollar ay ka hesho.

Warbixintan oo ay si wadajir ah u soo saareen toddobaadkan hay’adda UNEP oo Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca deegaanka iyo boolkiiska Adduunka ee loo yaaqaan INTERPOL, ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay lacagtaad dagaalka u adeegsato.

"Ganacsiga sharci-darrada ah ee laga sameeyo duur-joogta iyo falalka la xiriira dambiyada deegaanka ayaa hadda si weyn loogu arkaa inay yihiin khatar aad u weyn oo heer caalami ah, taasoo ay tahay in si deg-deg ah wax looga qabto," ayuu yiri madaxa UNEP, Achim Steiner.

Sidoo kale, Steiner ayaa hadalkiisa ku daray. "Marka laga soo tago saameynta ay arrintani ku leeyahay deegaanka, haddana ganacsiga sharci-darradi ah ee lagu hayo kheyraadka dabiiciga ah wuxuu dalalka dhaqaalahoodu soo korayo ku keenaa khasaare ay ku waayaan balaayiin doollar oo ah dakhli soo geli lahaa taasoo gasha jeebabka kooxo dambiilayaal ah."

Warbxinta ayaa la baahiyay iyadoo qayb ka ahaayeen shir toddobaad socday oo laga lahaa arrimaha deegaanka oo ka dhacay xafiiska UNEP ee Nairobi kaasoo ay ujeeddadiisu ahayd sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin ugaarsiga sharci-darrada ah, wasaqeynta badda iyo kor u qaadidda dhaqaale aan aafeyn deegaanka.

"Horumarinta maciishadda, maamul-wanaagga iyo isku-xukunka sharciga ayaa dhammaan waxay ku jiraan halis, iyadoo lacag aad u badan ay aadayso kooxaha argagixisada ah," ayuu yiri Steiner.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray; "Inkastoo ay jirto wacyi-galin soo kordheysa, haddana jawaabta illaa iyo hadda la bixiyay marka laga eego saameynta ma ahan mid munaasib ku ah xajmiga iyo koboca ay khatartu ku leedahay duur-joogta iyo deegaanka."

Al-shabaab ayaa horay loogu eedeeyay inay ka dhoofis dhuxusha deegaannada ay kaga sugan tahay Soomaaliya, iyadoo horay dowladda Soomaaliya u joojisay in dhuxusha laga dhoofiyo dekedaha deegaannada ay gacanta ku hayso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya