Khamiis, June 26, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, ayaa shacabka Somaliland ku hambalyeeyey maalinta qaran ee 26 june,1960 oo ah maalintii calankii ugu horeeyey la sudhay dhul soomaaliyeed.
“Madaxwaynaha Somaliland isgoo ku hadlaaya magaciisa, magaca Golayaasha Qaranka iyo guud ahaanba magaca shacabka jamuuriyada Somaliland waxaa uu munaasibada 26 –june darteed hambalyo u dirayaa shacabka reer Somaliland guud ahaan meel kasta oo ay joogan gudo iyo dibadba”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Axmed Saleebaan.
Madaxawayanaha Somaliland waxa uu xusay gobonimadii dadka reer Somaliland ay heleen 1960-kii in ay noqon wayday oo wixii laga filaayay ay marin habawday, shacabka Somaliland wanaagii iyo jecelkii ay u qabeen walalahooda Soomaaliya waxaa loogu badaley, dhibaatooyin iyo burbur gayaysiiyay aakhirkiina keenay in dalkooda ay gabi ahaana ay dibada uga baxaan cadaadiskii,dilkii iyo dhicii lagu hayay darteed ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.
“Qalad-kaasi dhacay lixdankii waxaa dib loo saxay 1991-kii markaasi oo gudoon lagu gaadhay qaranimada Somaliland in ay gaarkeeda ay ahaato, lana abuuro dawladnimo dadkeeda u dhigta mustaqbal iyo aayatiin wacan , waxaanay dawlada Somaliland iyo shacabkeeduba u quus go’nayaan kuwa quudaraynaya wixii la odhan jiray somaali-wayn in anay waligeed dhici doonin in go’aankooda ay dib uga laabtaan shacabka Somaliland”ayuu yidhi .
“Xaqa go’aan ka gaadhista aayahooda cidna marti ugama aha, Dadaalka ay ku xaqiijinayaan qaranimadooduna waa tii ay ku soo dhiseen nabad galyadooda, nidaamkooda dawladnimo, oo saldhig adag ay u tahay nidaam tastuur ah oo waajibinaya jidhka dawladnimada loo marayo oo ah nidaam dimuqaraadi ah”ayuu raaciyey qoraalkiisa.
Ugu danbayn, madaxwaynuhu waxa uu u soo jeediyay shacabka reer Somaliland in ay foojignaan dheeraad ah u yeeshan nabad- galyadooda iyo difaaca qarankooda.
Si kastaba ha ahaatee, maalintan 26 june ayaa si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland, marka laga reebo in maalin fasax ah tahay oo dhamaan shaqaalaha aanay shaqayn, waxaana habeenkaasi xaflad madadaalo ah lagu dhigaa xarunta madaxtooyadda kaas oo uu ka soo qaybgallo madaxweynuhu, waxaana ahmiyadda kowaad laga dhigay 18 May oo ah maalintii Somaliland ku dhawaaqday inay Soomaaliya gooni ka tahay.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland