Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo ka hadlay xusay Maalinta 26-ka Juune


Khamiis, June 26, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheikh Axmed ayaa hambalyo ku aaddan xuska maalinta 26-ka Juun, oo ah maalintii 1960-kii calanka Soomaaliyeed laga taagay ciiddeenna, u diraya dhammaan ummadda Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo sheegay inuu dadkiisa la qaybsanayo farxadda maalintan oo lagu xusayo geesiyadii naftooda u huray in dalku noqdo mid ka xoroobay gumaysigii.

Mudane C/weli ayaa sheegay in Muddo 54-sano ka hor ah ayay dadka Soomaaliyeed lasoo noqdeen sharaftoodii iyo karaamadoodii, iskana tuureen heeryadii gumaysiga. Helitaanka xornimada waxaa lagu bixiyay qiimo aad u sarreeya, waxaana lagu waayay wiilal iyo gabdho waddaniyiin ah oo naftooda u hibeeyey in Somalia ay noqoto waddan xor ah.

“Waxaa Soomaali oo dhan farxad u ahayd markii ay walaalaheenna Waqooyi si sharafi ku dheehan tahay calanka buluugga ah u keeneen magaalada Muqdisho shan maalmood kaddib markii ay xoroobeen, taasoo muujinaysay waddaniyad iyo midnimo ay heleen shacabka Soomaaliyeed. Shaki kuma jiro in maanta uu jiro dib u dhac la soo darsay shacabka Soomaaliyeed, haddana waxaa bar-bar socday horumaro is-bedelayay laga soo bilaabo markii aan xorownay,” ayuu hadalkiisa ku daray C/weli Sheekh.

Ra’iisul Wasaare C/weli ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed aysan maanta kala maarmin, loona baahan yahay in loo wada istaago sidii dib la isugu soo celin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay.

Sidoo kale, C/weli Sheekh ayaa xusay in maanta qaybo ka mid ah Soomaaliya ay u baahan yihiin in dib looga xoreeyo cadow cusub oo u dhaqmaya sidii gumaysi dalka haysta, kuwaasoo raba inay Soomaaliya ka dhigaan xarun argagixiso.

“Maanta Soomaaliya waxaa kusoo duulay cadow ay qaar ka mid ah nala magaca Soomaalinimo nala wadaagaan iyo kuwo shisheeye ah oo ku talo-galay inay shacabka Soomaaliyeed ka hor istaagaan nooc walba oo horumar ah. Waxay dumiyeen ceelashii biyaha; waxay ka hor-is-taageen dadkeennii dhibaataysnaa inuu gaaro gargaarkii loogu talo-galay; waxay si khasab ah uga qaadeen lacag canshuur ah oo xad dhaafa oo aysan xaq ugu lahayn; waxay habeen iyo maalin maaleegaan qaraxyo lagu bartilmaameedsanayo meelaha shacabku isugu yimaado; waxayna si bareer ah qoorta uga jaraan kuwa ka horyimaada fikirrada qaldan ee ay aamisan yihiin. Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Soomaaliyeed in uu u istaago sidii mar labaad Soomaaliya looga xoreyn lahaa argagaxisada,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Rai’isul wasaare C/weli ayaa dhanka kale soo dhaweeyay in dadka ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Bay ay dadaal ugu jiraan inay la dagaalamaan nabad-diidka Al Shabaab.

Ugu dambayn, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in maanta looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed, siiba dhallinyarada inay u istaagan sidii Soomaaliya looga xoreyn lahaa kooxaha nabadda diiddan, loogana dhigi lahaa goobaha ay ka taliyaan meelo ay dadkoodu waddamada dariska ah iyo kuwa caalamka intiisa kale kula noolaadaan nabadgalyo iyo is-qadarin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya