10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 26, 2014
Danjiraha Falastiin ee dalka Masar oo ka Mahadceliyay Taageerada Somalia


Khamiis, June 26, 2014 (HOL) — Safiirka Falastiin ee Masar ahna denjiraha joogtada ah ee dalkaas u fadhiya Jaamacadda Carabta, Jamaal Al-Shawbaki ayaa safaaradda Somalia ee magaalada Qaahira kula kulmay safiirka Soomaaliya ee Masar, Cabdalle Xasan Maxamuud.

Sida ay  sheegtay qaybta warbaahinta ugu qaabildan safaaradda Falastiin, danjire Al-shawbaki ayaa dhiggiisa Soomaaliya u dulmaray waxyaalihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Falastiin oo ay ugu weyn tahay xad-gudubyada Israa’iil ee ka dhanka ah shacabka Falastiin, sii-wadista Yuhuudda ee jebinta xeerarka caalamiga ah iyo xuquuqda insaanka, isagoo tilmaamay in Israa’iil ay ka shaqaynayso wiiqidda xalka labada dowladood, iyadoo  wadda dadaallo ay ku khatar-gelinayso Qudus iyo weliba degaameynta dhulka reer Falastiin ee la haysto.

Danjire Al-shawbaki ayaa bogaadiyay go’aannada Somalia ee taageeraya shacabka Falastiin iyo xuquuqdiisa sharciga ah, isagoo tilmaamay in qadiyadda Falastiin ay tahay  qadiyadda ummadda Carbeed oo dhan, isla-markaana  shacabka Falastiin ay ku faanayaan Carabnimadooda iyo ka-tirsanaantooda ummadda.

Kulankan ayaa sidoo kale la iskula soo qaaday arrimaha gobolka iyo waxyaalihii ugu dameeyey ee ka dhacay deeegaannada dalalka Carabtu ay dhacaan iyo saameynta qaddiyadda shacabka Falastiin.

Sidoo kale, danjiraha Soomaaliya ee Masar Cabdalle Xasan ayaa soo dhaweeyay booqashada uu ugu yimid danjire Al-shawbaki, wuxuu ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo magcaabay ee ah safiirka dowladda Falastiin u fadhiya Masar, wuxuuna u rajeeyay inuu ku guuleysto shaqadiisa, isagoo u xaqiijiyey in Falastiin ay ku jirto qalbiga qof kasta oo Soomaali ah, isla-markaana uu dalku taageerayo xaqa shacabka Falastiin ee dhismaha dal ay leeyihiin oo madax-bannaan oo Qudusta ay tahay caasimaddiisa.

Labada danjire ayaa gabagabadii kulankooda carabka ku adkeeyay muhiimadda sii wadista kulamada noocan oo kale ah si looga wada hadlo qaddiyadaha labada dal u leh danaynta  iyo muhiimadda wadajirka ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya