Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Maxkamadda Hargeysa, ayaa hay’adda UNICEF ku xukuntay inay magdhow siiso shaqaale u shaqayn jiray oo dacwad ka dhan ah hay’adaasi u gudbiyey maxkamadda.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa Garsoore C/laahi Ismaaciil ayaa qoraal uu ku saxeexan yahay ku sheegay in 17 muwaadin oo hore ugu shaqayn jiray hay’adda UNICEF siiso lacag dhan ($ 633,916,) Lix boqol sadex iyo sodon kun iyo sagaal boqol iyo lix iyo tobon Doolar.
“Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi-jeex markuu arkay galka dacwadda fulinta ah ee sumadiisu tahay MGH/DFL246/2013 ee ka dhexeeya dhinacyada magacyadoodu sare ku xusanyihiin.
Markay aragtay arjiga codsiga fulinta go’aan idaari ee xuquuq shaqaale ee dhaqan gal ah ee ku taariikhaysan 22/11/2013 ee ay maxkamadda u soo gudbiyeen qareenada lagu fuliyayaasha kala ah qareen Barkhad Jaamac Aare iyo Siciid Faarax Axmed, markay aragtay (16) ka go’aan guddi ee ka soo baxay xafiiska xidhiidhka shaqo xalinta khilaafaadka shaqaalaha ee ay ka soo saareen go’aan dacwad dhex martay loo fuliyayaasha iyo lagu fuliyayaasha, islamarkaana ugu xukuntay loo fuliyayaasha ka kooban 17 loo fuliye lacagta dhan ($ 633,916,) Lix boqol sadex iyo sodon kun iyo sagaal boqol iyo lix iyo tobon Doolar”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay maxkamadda gobolka Hargeysa.
Maxkamaddu waxay ku amartay in toban cisho gudaheed ku bixiso lacagtaasi ay ku leeyiyihiin shaqaale hore ugu shaqayn jiray hay’adaasi.
“Maxakamada gobolka Maroodi-Jeex Hargeysa Waxay idiinku amraysaa Hayadda UNICEF in aad mudo dhan 10 cish gudahood ah ku soo bixisaan Lacagta la idinku xukumay ee dhan 633,916,Lix boqol sadex iyo sodon kun iyo sagaal boqol iyo lix iyo tobon Doolar, lacagtaas oo ay leeyihiin 17 loo fuliye oo ah shaqaalihiinii hore, Haddii ay ku soo bixinwaayaan waa Hayada UNiCEF waxay Maxkamadu idiinka qaadi doonta talaabo sharciga waafaqssan oo la xidhidha Arintiina arintiina.”ayaa qoraalka la raaciyey.
Si kastaba ha ahaatee, shaqalahan 17 qof ayaa galdacwadeed ka furtay maxkamadda kuwaas oo ku eedeeyey hay’ada inay ku xadgudubtay xaq ay ku lahaayeen.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland