MARYAN QAASIM: Caruurta Soomaaliyeed cafis ayaan ka dalbanayaa


Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Wasiiradii hore ee wasaaradda horuarminta adeegga bulshada xukuumaddii hore, Maryan Qaasim Axmed ayaa ka dalbatay cafis caruurta Soomaaliyeed maadaama ay sheegtay inay fulin karin ballan-qaadkii ay caruurta horay uga qaadday, taasoo ahayd inay hal milyan oo caruur Soomaaliyeed ah u dirayso iskuullada.

Maryan Qaasim ayaa sheegtay in dadaal fara badan ku bixiyeen iyada iyo xubnihii howsha la waday sidii ay ku hirgelin lahayd qorshahaas; balse ay dhacday dowladdii ay ka tirsanayd oo aysan filayn inay dhacayso.

“Carruurta Soomaaliyeed waxaan weydiisanayaa inay i cafiyaan maadaama aan fulin karin ballantii aan horay uga qaaday oo ahaa inaan iskuulka u dirayno hal milyan oo carruur ah saddexda sano ee soo socota,” ayay Maryan Qaasim ka sheegtay xaflad ay ku wareejisay xilalka dhowr wasaaradooda ah oo ay isku haysay.

Wasiiraddan hore ayaa iyadoo ilmeynaysa sheegtay in waxyaabaha sababta u ah ilmadeeda ay tahay in riyadeedii ahayd inay aragto hal milyan oo ilmo Soomaliyeed ah oo waxbarasho lacag la'aan ah haysta si mustaqbalkoodu u wanaagsanaado ay ku hungowday.

“Illaahay waxba kama qarsoona, innagu dadaal badan ayaan u galnay sidii aan uga shaqeyn lahayn in hal milyan oo carruur Soomaaliyeed ah aan u dirno iskuullada saddexda sano ee soo socota, caqabadihii ugu waaweynaa waan kas gudubnay, nasiibdarro xukuumaddii ayaa dhacday, markii aan howshan billaabaynayna waxaan is lahayn afar sano ayaad haysataan,” ayay Maryan Qaasim hadalkeeda ku dartay.

Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay in haddii ay ogaan lahayd in xukuumadda ay tahay mid dhacaysa aysan carruurta Soomaaliyeed u sameyn lahayn ballanqaadka ay cafiskiisa ka dalbanayso caruurta Soomaaliyeed, iyadoo mas’uuliyiinta howsha kaga dambeeya ka dal-batay inay mashruuca aada dugsiyada halkiisa kasii wadaan.

“Macallimiinta mashruucan loo tababaray mushaaradkoodii qaarkood waa la siiyay, balse waxaa maqan tii ay dowladda ka sugayeen, waxaana filayaa in la bixin doono sida uu madaxweynuhuba ballanqaaday,” ayay mar kale tiri Maryan Qaasim.

Wasaaradda horumarinta adeegga bulshada ayaa waxay ka kooban dhowr wasaaradood oo ay ku jirtay wasaaraddii waxbarashada, kuwaasoo hadda la kala qaaday lagana dhigay dhowr wasaaradood oo siman.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya