
Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Danjiraha Turkiga u fadhiya Somalia, Kamaaluddiin Kani Turan ayaa sheegay inay dhameystireen dhismaha isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, kaddib markii ay sannadkii hore billaabeen dib u dhisaan isbitaalkaas oo burbur xooggan uu ka muuqday.
Danjire Turan ayaa sheegay in isbitaalka la qalabeeyay ayna sugayaan oo keliya dhakhaatiir Turki ah oo dhawaan soo gaaraya Muqdisho si ay howsha isbitaalka wax uga billaabaan.
“Waxaan ku bixinnahay dhismaha isbitaalka lacag dhan 35-milyan oo doollar dhismihiisa & qalabeyntiisana waan dhameystirnay, waxaana sugaynaa dhakhaatiir ka imaanaya Turkiga kuwaasoo la shaqeyn doona dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha Soomaalida ah ee ka howl-geli doona isbitaalka. Howsha isbitaalku waxay si rasmi ah u billaabanaysaa bisha Feberayo ee soo socota,” ayuu yiri danjiraha.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN
Sidoo kale, danjiraha wuxuu sheegay in bukaannada imaanaya isbitaalka laga qaadi doono lacago aan badnayn, inta badan lacagaha lagu wadayo howlaha isbitaalka ay bixin doonaan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya.

“Kharashaadka la siinayo dhakhaatiirta iyo dadka kale ee isbitaalka ka howlgeli doona waxay noqon doonaan kuwo joogto ah,” ayuu hadalkiisa ku daray danjiraha Turkiga u jooga Soomaaliya.
Isbitaalka Digfeer ayaan wax dayactir ah helin 22-kii sano ee colaaduhu ay ka jireen dalka Soomaaliya, iyadoo dib u dhiska isbitaalka uu noqonayo kii ugu horreeyay oo lagu sameeyo tan iyo markii la dhisay.
Muuqaalka isbitaalka Digfeer ayaa waxaa hadda ka muuqda bilic aad u heer sarreysa, iyadoo sidoo kale la dhex-dhisay masaajid weyn oo u dhisan sida ay u dhisan yihiin masaajidda ku yaalla dalka Turkiga.
Ugu dambeyn, safiirku wuxuu sheegay in howsha dib u dhiska isbitaalka ay ka mid tahay mashaariicda ay dowladda Turkigu ka fulinayso Soomaaliya sannadaha soo socda, iyadoo isbitaalka ay maamuli doonaan hay’ado Turki ah shanta sano ee soo socota.





Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya











