
Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Sheekh Xasan Daahir Aweys oo tan iyo bishii June ee sannadkii hore u xirnaa dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay laga saaray xabsigii uu ku xirnaa, iyadoo la geliyay xabsi guri.
Hoggaamiyahan ayaa kasoo baxsaday Al-shabaab sannadkii hore ee 2013-ka, kaddib markii uu khilaaf soo dhexgalay xubno uu isagu ka mid yahay iyo hoggaamiyaha Al-shabaab, taas oo keentay in xilli habeen ah uu kasoo baxsado degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.
Saraakiisha hay’adda nabadsugidda Qaranka ayaa xaqiijiyay in Sheekha laga saaray xabsi ku dhex-yaalla ha’yadda nabadsugidda oo uu muddo toddoba bilood ah ku xirnaa, iyadoo loo wareejiyay xabsi guri.
Guriga lagu haynayo Sh. Xasan Daahir ayaan la sheegin halka uu rasmi ahaan ku yaallo, iyadoo tani ay ku timid wadahadallo dhawaanahan u socday odayaal ay isku hayb yihiin Sheekh Xasan Daahir iyo mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Afhayeenkii hore ee ururka Xisbul Islaam, Maxamed Cismaan Caruus oo ka hadlay xarigga Sheekh Xasan iyo isbedelka lagu sameeyay ayaa sheegay in weli uu Sheekhu u xiran yahay dowladda Soomaaliya oo laga soo wareejiyay xabsigii uu ku xirnaa laguna hayo xabsi guri.
“Tani weli waa mid muujinaysa in Sheekh Xasan Daahir uu u xiran yahay dowladda Soomaaliya, arrinkiisuna waa xabsiga laga saaray iyo xabsi guri la geliyay, taasoo aan waxba is-doorin,” ayuu yiri Caruus oo ka mid ahaa xubnihii la socday Sheekh Xasan Daahir markii la xirayay, balse intii lagu jiray garoonka dhuuntay.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin isbedelka xabsiga lagu sameeyay xariga Sheekh Xasan Daahir, waxayna noqonaysaa markii ugu horreysay oo laga bedelo xabsiga Sheekh Xasan Daahir tan iyo markii lagu xiray Muqdisho.
Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa horay u sheegay in Sheekh Xasan Daahir uu yahay nin madax-adag haddii uu qirto inuu ka baxay ka mid ahaanshaha Al-shabaab ay dhici karto inuu isbdelo xaalkiisa.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya