Maamullada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo Maanta Heshiis Gaaray

Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa heshiis ku gaaray maamul-goboleedyada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb, kaddib shir maalmo uga socday koonfurta Gaalkacyo.

Shirka labada dhinac waxaa goob-joog ka ahaa muddadii uu socday madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cabdisamad Nuur Guuleed, madaxweynaha Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Cali Maxamed Baarleex, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo odayaal-dhaqameed kasoo jeeda labada maamul.

Ujeeddada shirka ayaa lugu sheegay sidii labada maamul u midoobi lahaayeen, ayna isugu ururaan hal maamul-goboleed.

Shirkaan ayaa xilligii uu soo dhammaaday waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 11-qodobb, waxaana saxaafadda u akhriyay wasiirka khayaraadka Badda Galmudug, C/qaadir Cali Jaamac (Qalab-xoor).

Qodobbada ay labada maamul ku heshiiyen waxaa ugu muhiimsanaa:

1. In sida ugu dhaqsiyaha badan loo billaabo maamul u sameynta gobollada dhexe, gogosha maamulka lagu dhisayana  la dhigo deegaannada uu maamulka Ximin iyo Xeeb ka taliyo.

2. In si dhab ah loo billaabo dib-u-heshiisiin la dhex-dhigayo shacabka labada maamul, lana adeegsado qaybaha kala duwan ee bulshada iyo warbaahinta.

3. In la abuuro jawi nabadeed, isla markaana xiriir nabadgeliyo ay la sameystaan maamullada iyo dowladaha dariska ah, si dambiilaha uusan u helin meel uu ku gambado.

4. Inay xaqooda weydiistaan dowladda dhexe oo ay ku jirto taakuleynta hay’adaha amniga, arrimaha bulshada iyo horumarinta.

5. In la abuuro is-dhexgal labada bulshada sida ganacsiga, cayaaraha, dhaqanka iyo ururada haweenka.

Inataas kaddib waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cabdisamad Nuur iyo madaxweynaha Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Baarleex.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cabdisamad Nuur ayaa sheegay in wax lagu farxa ay tahay in madaxda Ximan iyo Xeeb ay Gaalkacyo yimaadaan isla markaa ay kawada shiraan aayaha labada maamul oo ka tashanaya sidii ay u midoobi lahaayeen.

Cabdisamad Nuur, wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday in shirku uusan inta ku ekaan; isla markaana ay jiri doonan shirar badan oo ay isku arkaan madaxda sare ee labada maamul-goboleed.

Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Baarleex ayaa isna dhankiisa sheegay in heshiiska labada dhinac uu yahay mid farxadeed, ayna soo dhaweynayaan dhinacooda, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay taageeraan heshiika uu ku tilmaamay inuu yahay mid taariikhi ah.

Heshiiska labada maamul ee dariska ah wauxuu noqonaya kii ugu horreeyay ee ay si rasmi ah u gaaran,waxaana tallaabada ay madaxda labada maamul qaadeen soo dhaweeyay shacabka iyo mas'uuliyinta labada dhinac.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya