Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Kooxo madow oo Koonfur Afrikaan ah ayaa dil iyo dhaawac ugu geystay dalkaas ganacsato Soomaaliyeed, iyagoo dilay mid ka mid ah saddex ganacsato ah oo isla socday, halka laba kalena ay dhaawaceen.
Ibaahim Aadan Xuseen oo ay ehello ahaayeen ganacsadaha la dilay ayaa u sheegay VOA-da in ganacsadaha la dilay lagu magcaabi jiray C/qaadir ayna toogteen kooxo madow oo Koonfur Afrikaan ah.
“C/qaadir iyo labada ganacsade ee la dhaawacay watay wateen gaari yar oo ay ugu soo adeegteen dukaanno ay lahaayeen, markii ay adeeggii dajiyeen waxaa waxaa goobta yimid kooxo hubeysan oo madow ah, waxayna rasaas ku fureen C/qaadir, waxayna dileen isagoo qaylinaya oo leh yaan la i dilin,” ayuu yiri Ibraahim.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in labada ganacsade oo kale iyagana la toogtay balse ay dhaawacmeen, wuxuuna xusay in mid ka mid ah dhaawiciisa uu aad u daran yahay, halka mid kalena uu dhaawac fudud gaaray.
“Booliis ayaa meesha yimid - ma jirto cid ay qabteen, waxaana doonaynaa in marka aan aasno maydka maanta inaan daba-gal ku sameynno kooxihii dilka geystay,” ayuu yiri ruuxan ay ehellada ahaayeen marxuumka la dilay.
Mar la weydiiyay su’aal ahayd in dadka dilalka geysta la marsiiyo sharciga iyo in kale ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin cid lasoo qabto, dhowrka casho ee u horreysa oo keliyana loo murugoodo qofka dhintay kaddibna qof walba uu howshiisa iska raacdo.
Dilka marxuumkan Soomaaliga ah ayaa iyo dhaawaca labada kale ayaa ka dhacya tuulo ay dukaamo ku lahaayeen, waxaana tani ay qayb ka tahay dilal dhowr ah oo Soomaalida ganacsatada ah loogu geystay dalkaas.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya