3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2012
Ma'suuliyiinta Ururka Ahlusuna Walmaaca oo sheegay inay wadaan qorshe ay dib ugu laabanayaan Degmada Ceelbuur
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Mas'uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay dib ugu laabtaan degmada Ceelbuur iyadoo Al-shabaabna ay sheegtay inay ka hortagayso weerar walba oo lagu soo qaado degmadaas.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna ayaa bishii hore isaga soo baxay degmada Ceelbuur, kadib markii dhowr jeer jidka loo galay sahay uga timid xarunta gobolka Galguduud, waxayna mas'uuliyiinta Ahlusunna sheegeen inay bedeleen qorshihii hore.

"Waxaan wadnaa qorshe aan ku doonayno inaan dib ugu laabano degmada Ceelbuur iyo deegaannadii kale ee laga soo baxay. Qorshuhu sidii hore waa ka bedelen yahay," ayuu yiri guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo saxaafadda la hadlay.

Sheekh Xeefow oo ku sugan degmada Dhuusomareeb ayaa sheegay in kulan ay la qaateen saraakiisha ciidamada Itoobiya ay ku gaareen inay dib ugu laabtaan degmada Ceelbuur oo uu ku sheegay inay tahay mid muhiim u ah gacan ku haynteeda.

Ururka Ahlusunna ayaa Al-shabaab kula dagaalamayay tan iyo 2008 degmooyin ka tirsan gobolka Galguduud, iyadoo ciidamadooda oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ay u suuro-gashay bishii Abriil ee sannadkan inay markii horreysay la wareegaan degmada Ceelbuur, inkastoo laba bilood kaddib ay isaga soo baxeen.

Dhanka kale, ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan weerar walba oo lagu soo qaado degmada Ceelbuur oo ay gacanta ku hayaan, iyadoo la sheegayo inay difaacyo adag ka sameysteen degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/7/2012 8:22 PM EST
Sabti, July 08, 2012(HOL): Shirkii sanadlaha ahaa ee Jabhadda xoreynta ONLF ayaa maalintii Jimcaha ahayd ka furmay magaalada Toronto ee dalka Canada. Shirkan oo ay martigelisay taageerayaasha jabhadda ONLF ee dalka Kanada ayaa waxaa ka soo qayb-galay wafuud ka kala yimid qaaradaha Yurub, North America, Australia iyo Bariga dhexe.

7/7/2012 8:54 AM EST
Sabti, July,7, 2012 (HOL)-Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA), Xasan Maxamed Yuusuf ayaa cambaareeyey falal guracan oo uu sheegay in badhasaabka gobolka Saaxil kula kacay wariyeyaasha ka hawlgalla gobolkaasi.

7/7/2012 8:06 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya, Mark Bowden ayaa sheegay in xaalado aadamnimo oo khatar ah ay ka jiraan Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku ogaadeen xog-ururin dhawaan ka sameeyeen Soomaaliya.

7/7/2012 7:56 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta u ah gobollka Hiiraan waxaa ku sii kordhaya xeryaha ay degan yihiin ama ku nool yihiin dad barakacayaasha ah, kuwaasoo in badan rajo ka qaba in ay gargaar ka heleen hay’addaha samafalka oo bilihii ugu danbeeyay saraakiil ka tirsan si is daba joog ah kormeer ugu tagayeen magaalada.

7/7/2012 7:22 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa askari ka tirsan waaxda canshuuraha ee dowladda KMG ah ku toogtay xaafadda Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley, iyadoo kooxihii dilka geystay ay u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.

7/7/2012 7:13 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Howgallo ay wadajir uga sameeyeen degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayay kusoo qabqabteen boqolaal dhallinyaro ah oo loo haysto inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin, waxaana saraakiisha dowladdu KMG ay sheegeen in howgalladan ay yihiin lagu sugayo ammaanka.

7/7/2012 7:04 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal oo la aaminsyahay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeymo xooggan ka geeystay deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose, iyadoona la sheegay in diyaaraduhu ay bartilmaameedsanayeen saldhigyo ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

7/7/2012 6:57 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta oo Sabti ah saxiixay xeerka ururada siyaasada Puntland oo ay soo diyaariyeen guddiga doorashada Puntland, toddobaadyo ka horna ay ansixiyeen xildhibaannada maamulkaas.

7/7/2012 6:54 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Laba qof ayaa ku geeriyootay qof kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kaddib markii ciidamada dowladda KMG ah ay rasaas ku fureen gaari noociisu ahaa MARK II oo ku socday degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

7/7/2012 4:00 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay inuu walwal weyn ka qabo dhameystirka heshiiska Roadmap-ka oo uu wax ka saxiixay, isagoo sheegay in shirarka odayaasha ee Xamar ka socda ay xagal-daacin karaan dhameystirka khariidadda nabadda.

7/7/2012 3:55 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeeysay Kenya inay si sharci-daro ah baaritaano shidaal uga sameynayso xeebaha ku yaalla dhinaca Konfureed ee Soomaaliya.

7/7/2012 3:12 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Midowga Afrika ee (AMISOM) ayaa si rasmi ah ula wareegay hoggaanka ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya kaddib munaasabad Jimcihii shalay ka dhacday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

7/7/2012 2:48 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in qodobka ku saabsan maqaamka ay yeelanayso magaalada Muqdisho dib u eegis lagu sameynayo, isagoo xusay in sharci gaar ah laga soo saarayo.