Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa askari ka tirsan waaxda canshuuraha ee dowladda KMG ah ku toogtay xaafadda Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley, iyadoo kooxihii dilka geystay ay u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in kooxaha dilka geystay oo laba qof ahaa ay askariga toogteen isagoo ku mashquulsan qaadista canshuur goobaha ganacsiga ee xaafaddaas laga qaadayay.
"Askariga la dilay wuxuu ku mashquulsanaa qaadis canshuur, waxaana si lama filaan ah u toogtay laba wiil oo bastooladu ku hubeysnaa wayna baxsadeen," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay.
Sidoo kale, goobjooguhu wuxuu sheegay in askariga la dilay ay ilaalinayeen laba askari oo kale, kuwaasoo markii ay rasaasta maqleen baxsaday, inkastoo ay mar dambe dib ugu soo laabteen goobta.
Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka ahayd dilkaas oo dhacay baqonimadii maanta iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn in kooxaha geystay ay Al-shabaab ka tisranaayeen iyo in kale.
Dilkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreysay oo Muqdihso loogu geysto askari canshuur ururinaya tan iyo markii ay dowladda KMG ah oo kaashanaya AMSIOM ay Al-shabaab kala wareegeen gacan ku haynta degmooyinka gobolka Banaadir.
Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda KMG ah ayaan ka hadlin dilkan, iyadoo uu kusoo beegmayo xilli ay muddo tododbaad ku dhow ka socdaan Muqdisho howgallo lagu sugayo ammaanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Kooxo hubeysan oo Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah ku toogtay xaafadda Laba-dhagax ee Degmada Wardhiigley
More News
- Shirkii sanadlaha ahaa ee ONLF oo ka furmay Toronto (SAWIRRO)
- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo cambaareeyay falal uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Saaxil uu kula kaco suxufiyiinta Gobolkaas
- Ma'suuliyiinta Ururka Ahlusuna Walmaaca oo sheegay inay wadaan qorshe ay dib ugu laabanayaan Degmada Ceelbuur
- Xiriiriyaha Gargaarka Bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo sheegay in xaalado abareed ay ka jiraan deegaanno ka tirsan Soomaaliya
- Qoysas ku dhaqan Beledweyne oo Codsanaya in lasoo kaalmeeyo madaama ay soo dhawdahay bishii Ramadaan
- Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo howagllo lagu soo qabqabtay Boqolaal qof ka sameeyay Magaalada Muqdisho
- Diyaarado dagaal oo duqeeyay deegaanno ay Al-shabaab saldhigyo ku lahayd oo ku yaalla Gobolka Jubada Hoose
- Madaxweynaha Puntland oo Maanta Meel mariyay Xeerka lagu Maamulayo Xisbiyada Siyaasadda Puntland
- Rasaas dhimasho iyo dhaawac geystay oo ciidammo ka tirsan DKMG ah ay ku fureen gaari u socday Baydhabo
- Madaxweynaha Puntland oo sheegay inuu welwel ka qabo in heshiiska Roadmap-ka lagu dhameystiro xilligii loogu talo-galay
- Dowladda KMG Soomaaliya oo ku eedeysay Kenya inay si sharci-darro ah shidaal uga baarayso Xeebaha Soomaaliya
- Taliska Guud ee AMISOM oo si rasmi ah ula wareegay Hoggaanka Ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya
- Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo sheegay in dib u eegis lagu sameynayo Maqaamka ay yeelanayso Muqdisho