Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in qodobka ku saabsan maqaamka ay yeelanayso magaalada Muqdisho dib u eegis lagu sameynayo, isagoo xusay in sharci gaar ah laga soo saarayo.
Duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Tarsan oo shalay ka hadlay arrintan caasimadda ku saabsan ayaa sheegay in dastuurka uusan qeexayn in Muqdisho ay tahay caasimadda dalka, wuxuuna codsaday in arrintaas lagu caddeeyo dastuurka.
"Maqaamka Muqdisho ay yeelanayso waxaa looga hadli doonaan si dastuuri ah, sharci gaar ah ayaana laga soo saarayaa, shakina lama gelin in Muqdisho ay tahay caasimadda Soomaaliya," ayuu yiri wasiirka oo oo wareysi siinayay VOA-da isagoo intaas ku daray in caalamka oo dhan aan caasimadda lagu qorin dastuurka.
Wasiirku wuxuu sheegay in laga fikirayo in Muqdisho ay noqto gobol gaar u taagan iyo in kale, isagoo sheegay in dadka arrintan ka hadlayay ay ahayd inay markii hore u fiirsadaan, isagoo carrabka ku adkeeyay inaanay jirin wax shaki Muqdisho la geliyay.
Mar la weydiiyay qodobbo kale oo ay ka mid yihiin xuduudaha dalka oo aan si cad loogu qeexin dastuurka cusub, wuxuuna sheegay in dastuurkii ay soo gudbiyeen guddiga madaxa-bannaan aanu si cad u qeexayn xuduudaha, balse dastuurka hadda loo gudbiyay odayaasha dhaqanka uu si wanaagsan u sugayo, isagoo xusay in gobollada ka maqan Soomaaliya lagu raadinayo si nabad iyo wadahadal ah.
Dhanka kale, wasiirka dastuurka wuxuu carrabka ku ballaariyay in golaha ansixinta dastuurka ay wax ka bedel ku sameyn karaan dastuurkan qabyo-qoraalka ah, balse aysan odayaasha laga doonayo inay soo xulaan golaha ansixinta dastuurka iyo soo xulidda xildhibaannada cusub ee baarlamaanka.
"Odayaashu waxay nagu leeyihiin talo, waayo waa dad doonaya in wax wanaagsan oo la isku raacsan yahay ay yimaadaan, balse ergada ay soo xuleen ayaa leh go'aanka wax ka bedelka dastuurka," ayuu wasiirku yiri.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo bulshada inteeda kale ay weli dhaliilo ka qabaan qabyo-qoraalka dastuurka oo dhawaan loo gudbiyay odayaasha dhaqanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo sheegay in dib u eegis lagu sameynayo Maqaamka ay yeelanayso Muqdisho
More News
- Shirkii sanadlaha ahaa ee ONLF oo ka furmay Toronto (SAWIRRO)
- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo cambaareeyay falal uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Saaxil uu kula kaco suxufiyiinta Gobolkaas
- Ma'suuliyiinta Ururka Ahlusuna Walmaaca oo sheegay inay wadaan qorshe ay dib ugu laabanayaan Degmada Ceelbuur
- Xiriiriyaha Gargaarka Bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo sheegay in xaalado abareed ay ka jiraan deegaanno ka tirsan Soomaaliya
- Qoysas ku dhaqan Beledweyne oo Codsanaya in lasoo kaalmeeyo madaama ay soo dhawdahay bishii Ramadaan
- Kooxo hubeysan oo Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah ku toogtay xaafadda Laba-dhagax ee Degmada Wardhiigley
- Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo howagllo lagu soo qabqabtay Boqolaal qof ka sameeyay Magaalada Muqdisho
- Diyaarado dagaal oo duqeeyay deegaanno ay Al-shabaab saldhigyo ku lahayd oo ku yaalla Gobolka Jubada Hoose
- Madaxweynaha Puntland oo Maanta Meel mariyay Xeerka lagu Maamulayo Xisbiyada Siyaasadda Puntland
- Rasaas dhimasho iyo dhaawac geystay oo ciidammo ka tirsan DKMG ah ay ku fureen gaari u socday Baydhabo
- Madaxweynaha Puntland oo sheegay inuu welwel ka qabo in heshiiska Roadmap-ka lagu dhameystiro xilligii loogu talo-galay
- Dowladda KMG Soomaaliya oo ku eedeysay Kenya inay si sharci-darro ah shidaal uga baarayso Xeebaha Soomaaliya
- Taliska Guud ee AMISOM oo si rasmi ah ula wareegay Hoggaanka Ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya