Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Midowga Afrika ee (AMISOM) ayaa si rasmi ah ula wareegay hoggaanka ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya kaddib munaasabad Jimcihii shalay ka dhacday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Munaasabaddan oo ka dhacay xarunta wasaaradda gaashaandhigga Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in 4664-askari oo Kenyan ay si rasmi ah uga mid noqdeen ciidamada AMISOM bishii Juun ee lasoo dhaafay, kuwaasoo tirada AMISOM ka dhigay 17,000 oo askari.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Abuubakar Diarra iyo taliyaha AMISOM, Jen. Andrew Gutti, iyadoo kulankan uu ka dhigayo in ciidamada Kenya ay hoggaan ahaan iyo howlgal ahaan ay ka mid yihiin AMISOM.
"Waxaan soo dhaweynaynaa walaalaheenna Kenya qaybta ay ka qaadanayaan dadaalka lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri dajire Diarra oo arrintan uga mahadceliyay shacabka iyo xukuumadda Kenya.
"Hadafka ugu weyn ee Midowga Afrika waa in la dhiirri-geliyo in si wadajir ah looga shaqeeyo ammaanka iyo deggenaashaha dalalka xubnaha ka ah ururka. Waxaa cad in Al-shabaab oo ka mid noqotay Al-Qaacida aysan khatar ku ahayn Soomaaliya oo keliya, balse ay khatar ku yihiin dalalka gobolka oo dhan oo ay Kenya ku jirto," ayuu dajiruhu hadalkiisa raaciyay.
Dajire Diarra ayaa xusay in Kenya ay taariikh u tahay ka qaybgalka dadaalka lagu soo celinayo nabaddii iyo kala dambeyntii Soomaaliya, isagoo sheegay in sidoo kale ay dalkeeda ku hayso dad badan oo qoxooti Soomaaliyeed ah.
"Ka mid noqoshada ay ciidamada Kenya ka mid noqdeen AMISOM waxay xoojin u tahay sidii xasilloonida Soomaaliya laga isaga kaashan lahaa, loona dhisi lahaa nabad-galyo la isku halleyn karo, looguna geyn lahaa deegaannadooda dadka u baahan gargaraka bani'aadamnimo," ayuu yiri darjire Diarra.
Ciidamada AMISOM ayaa waxay ka mid noqonayaa kuwa ka socda dalalka, Burundi, Uganda, Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay dhawaan kusoo biiri doonaan ciidammo ka socda dalka Sierra Leone.
Howlgalka AMISOM ayaa ka billowday Soomaaliya sannadkii 2007, iyadoo markii ugu horreysay ay ciidamadaas gaareen meelo ka baxsan Soomaaliya oo ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab oo urur dagaal kula jira dowladda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Taliska Guud ee AMISOM oo si rasmi ah ula wareegay Hoggaanka Ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya
More News
- Shirkii sanadlaha ahaa ee ONLF oo ka furmay Toronto (SAWIRRO)
- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo cambaareeyay falal uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Saaxil uu kula kaco suxufiyiinta Gobolkaas
- Ma'suuliyiinta Ururka Ahlusuna Walmaaca oo sheegay inay wadaan qorshe ay dib ugu laabanayaan Degmada Ceelbuur
- Xiriiriyaha Gargaarka Bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo sheegay in xaalado abareed ay ka jiraan deegaanno ka tirsan Soomaaliya
- Qoysas ku dhaqan Beledweyne oo Codsanaya in lasoo kaalmeeyo madaama ay soo dhawdahay bishii Ramadaan
- Kooxo hubeysan oo Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah ku toogtay xaafadda Laba-dhagax ee Degmada Wardhiigley
- Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo howagllo lagu soo qabqabtay Boqolaal qof ka sameeyay Magaalada Muqdisho
- Diyaarado dagaal oo duqeeyay deegaanno ay Al-shabaab saldhigyo ku lahayd oo ku yaalla Gobolka Jubada Hoose
- Madaxweynaha Puntland oo Maanta Meel mariyay Xeerka lagu Maamulayo Xisbiyada Siyaasadda Puntland
- Rasaas dhimasho iyo dhaawac geystay oo ciidammo ka tirsan DKMG ah ay ku fureen gaari u socday Baydhabo
- Madaxweynaha Puntland oo sheegay inuu welwel ka qabo in heshiiska Roadmap-ka lagu dhameystiro xilligii loogu talo-galay
- Dowladda KMG Soomaaliya oo ku eedeysay Kenya inay si sharci-darro ah shidaal uga baarayso Xeebaha Soomaaliya
- Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo sheegay in dib u eegis lagu sameynayo Maqaamka ay yeelanayso Muqdisho