Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Howgallo ay wadajir uga sameeyeen degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayay kusoo qabqabteen boqolaal dhallinyaro ah oo loo haysto inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin, waxaana saraakiisha dowladdu KMG ay sheegeen in howgalladan ay yihiin lagu sugayo ammaanka.
Degmooyinka howgallada laga sameeyay ayaa waxay kala ahaayeen: Huriwaan, Yaaqshiid iyo Kaaraan, iyadoo ciidammo fara badan lagu arkayay xaafadaha ay ka kooban yihiin degmooyinkaas.
"Waxaa howgallada maanta lagu soo qabqabtay 300 oo ruux, kuwaasoo baaris lagu hayo, ciddii ay ku caddaato inay ka tirsan tahay Al-shabaab shaciga ayaa la hor-geyn doonaa, ciddii lagu waayana waa la sii daynayaa," ayuu yiri Col. Khaliif Axmed Ereg oo ah taliyaha ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir.
Saraakiil kale oo hoggaaminaya howlgalka ayaa iyaguna sheegaya in lasoo qabtay qalabka laga sameeyo walxaha qaraxa oo isugu jiray budooyin iyo biro, iyagoo intaa ku daray in gacanta lagu dhigay raggii haystay alaabtan.
Howgalladan oo ay ka qaybqaadanayeen ciidamada nabadsugidda, kuwa milateriga iyo booliiska DKMG ah iyo ciidamada AMISOM ayaa waxay u sameynayeen guri-guri iyadoo intii howgalladu ay socdeen la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa degmooyinkaas.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen Muqdisho howgallo lagu soo qabtay kumannaan dhallinyaro ah, iyadoo la sheegay in baaris la sameeyay lagu ogaaday in 235-ruux oo ka mid ah ay xiriir la lahayeen Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo howagllo lagu soo qabqabtay Boqolaal qof ka sameeyay Magaalada Muqdisho
More News
- Shirkii sanadlaha ahaa ee ONLF oo ka furmay Toronto (SAWIRRO)
- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo cambaareeyay falal uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Saaxil uu kula kaco suxufiyiinta Gobolkaas
- Ma'suuliyiinta Ururka Ahlusuna Walmaaca oo sheegay inay wadaan qorshe ay dib ugu laabanayaan Degmada Ceelbuur
- Xiriiriyaha Gargaarka Bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo sheegay in xaalado abareed ay ka jiraan deegaanno ka tirsan Soomaaliya
- Qoysas ku dhaqan Beledweyne oo Codsanaya in lasoo kaalmeeyo madaama ay soo dhawdahay bishii Ramadaan
- Kooxo hubeysan oo Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah ku toogtay xaafadda Laba-dhagax ee Degmada Wardhiigley
- Diyaarado dagaal oo duqeeyay deegaanno ay Al-shabaab saldhigyo ku lahayd oo ku yaalla Gobolka Jubada Hoose
- Madaxweynaha Puntland oo Maanta Meel mariyay Xeerka lagu Maamulayo Xisbiyada Siyaasadda Puntland
- Rasaas dhimasho iyo dhaawac geystay oo ciidammo ka tirsan DKMG ah ay ku fureen gaari u socday Baydhabo
- Madaxweynaha Puntland oo sheegay inuu welwel ka qabo in heshiiska Roadmap-ka lagu dhameystiro xilligii loogu talo-galay
- Dowladda KMG Soomaaliya oo ku eedeysay Kenya inay si sharci-darro ah shidaal uga baarayso Xeebaha Soomaaliya
- Taliska Guud ee AMISOM oo si rasmi ah ula wareegay Hoggaanka Ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya
- Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo sheegay in dib u eegis lagu sameynayo Maqaamka ay yeelanayso Muqdisho