
"Waxaan ku faraxsanahay in Puntland leedahay dastuur meel maray iyo nidaamka xisbiyada badan oo ay waddadeedii hayso, waxaa maanta billowday socodkii dimuqraadiyadda Puntland, maadaama la dhaqan-geliyay sharciyada ururrada siyaasadeed," ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo ka hadlay munaasabaadii uu ku saxiixay sharciga xisbiyada Puntland.
Guddoomiyaha guddiga doorshada Puntland oo isaguna hadal ka jeediyay xafladdii lagu saxiixay xeerka ayaa ka sheekeeyeen qaabkii ay kusoo diyaariyeen xeerkan, isagoo guul ku tilmaamay inuu soo dhamaaday xeerka ururrada siyaasadda Puntland wuxuuna sheegay in Puntland ay cagta saartay jidka dimuqraadiyadda.
Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in xisbiyo sameysma looga gudbayo habka beeleed ee awoodda lagu qaybsado, isagoo arrintaas ku tilmaamay guul Puntland u soo hoyatay.
"Waxgaradka iyo shacabka Puntland waxaan ka codsanayaa inay soo xulnaa xubnihii uga mid noqon lahaa guddiga ansixinta Puntland. Innagu howsheennii horay ayaan u qabsannay, wixii noo dhimanna waan qabsanaynaa," ayuu yiri Faroole oo ka hadlayay munaasabadda.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu sheegay in Puntland ay qayb weyn ka qaadanayso sidii looga bixi lahaa xilliga KMG ah, looguna gudbi lahaa inay dhalato dowlad joogto ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya