3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2012
Qoysas ku dhaqan Beledweyne oo Codsanaya in lasoo kaalmeeyo madaama ay soo dhawdahay bishii Ramadaan
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta u ah gobollka Hiiraan waxaa ku sii kordhaya xeryaha ay degan yihiin ama ku nool yihiin dad barakacayaasha ah, kuwaasoo in badan rajo ka qaba in ay gargaar ka heleen hay’addaha samafalka oo bilihii ugu danbeeyay saraakiil ka tirsan si is daba joog ah kormeer ugu tagayeen magaalada.

Hadaba dadka ku jira xeryahan oo u badan haween iyo caruur ayaa codsanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiiyo gargaarka u baahan yihiin, gaar ahaan wax ay quutaan, madaama  ay food ku soo heyso bisha Ramadaan.

"Bisha Ramadaan waxaan jecel-nahay in aan waajibkeeda gudno, laakiin daruufo adag oo dhinaca nolasha ah ayaa iska jira, waayo waad dareemi kartaa qof aan waxba heysa oo aan nolashiisa ku filneyn sida ay bishaas oo kale xaaladiisa noqon karo," ayay u sheegtay HOL mid ka mid ah haweenka ka cabanaya xaalada dhinaca nolasha la xiriira.

Inkastoo ay jirto cabshadan ay jeedinayaan dadka ku jira xeryaha barakacayaasha magaalada Baladweyne, haddana dhinaca kale marka aad eegto maalmihii ugu danbeeyay waxaa jiray gargaar kala duwan oo ay  gaarsiineysay hay’adda ICRC dadka barakacayaasha ah, balse u muuqda mid aan wada dabooli karin baahiyaha jira.

"Waan maqalnay in ay raashinwax bixineyso hay’adda ICRC, laakiin anaga wali ma arag oo nama soo gaarin, waxaan jeclaan laheyn in nala soo gaarsiiyo oo si aan nolal uga dhigano bisha Ramadaan," ayay sheegtay haweeneyda  la hadashay HOL.

Muddadii ay magaalada maamulayeen xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab dadka barakacayaasha ah ma’aheyn kuwo ku dhiiran kara in ay ka dalbadaan hay’addaha samafalka gargaarka ay u baahan yihiin, hasse ahaatee waxaa muuqata xiligan in dadkani ay si toos ah ula hadllayaan warbaahinta iyaga oo sheeganaya baahiyaha kala duwan ee la soo darsay.

Bilihii ugu danbeeyay waxaa si is daba joog ah magaalada Baladweyne u soo gaarayay saraakiil ka kala socta hay’addaha samafalka, kuwaasoo hadba u guur-galayay xaaladaha nolaleed ee ka jira magaalada, haddana ma jiraan gargaar la taaban karo oo ay hay’addu gaarsiiyeen dadka dhibaateysan marka laga reebo hay’adda ICRC oo maalmihii ugu danbeeyay magaalada ka waday howlo gargaar qeybin ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya











Click here
7/7/2012 8:22 PM EST
Sabti, July 08, 2012(HOL): Shirkii sanadlaha ahaa ee Jabhadda xoreynta ONLF ayaa maalintii Jimcaha ahayd ka furmay magaalada Toronto ee dalka Canada. Shirkan oo ay martigelisay taageerayaasha jabhadda ONLF ee dalka Kanada ayaa waxaa ka soo qayb-galay wafuud ka kala yimid qaaradaha Yurub, North America, Australia iyo Bariga dhexe.

7/7/2012 8:54 AM EST
Sabti, July,7, 2012 (HOL)-Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA), Xasan Maxamed Yuusuf ayaa cambaareeyey falal guracan oo uu sheegay in badhasaabka gobolka Saaxil kula kacay wariyeyaasha ka hawlgalla gobolkaasi.

7/7/2012 8:32 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Mas'uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay dib ugu laabtaan degmada Ceelbuur iyadoo Al-shabaabna ay sheegtay inay ka hortagayso weerar walba oo lagu soo qaado degmadaas.

7/7/2012 8:06 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya, Mark Bowden ayaa sheegay in xaalado aadamnimo oo khatar ah ay ka jiraan Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku ogaadeen xog-ururin dhawaan ka sameeyeen Soomaaliya.

7/7/2012 7:22 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa askari ka tirsan waaxda canshuuraha ee dowladda KMG ah ku toogtay xaafadda Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley, iyadoo kooxihii dilka geystay ay u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.

7/7/2012 7:13 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Howgallo ay wadajir uga sameeyeen degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayay kusoo qabqabteen boqolaal dhallinyaro ah oo loo haysto inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin, waxaana saraakiisha dowladdu KMG ay sheegeen in howgalladan ay yihiin lagu sugayo ammaanka.

7/7/2012 7:04 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal oo la aaminsyahay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeymo xooggan ka geeystay deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose, iyadoona la sheegay in diyaaraduhu ay bartilmaameedsanayeen saldhigyo ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

7/7/2012 6:57 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta oo Sabti ah saxiixay xeerka ururada siyaasada Puntland oo ay soo diyaariyeen guddiga doorashada Puntland, toddobaadyo ka horna ay ansixiyeen xildhibaannada maamulkaas.

7/7/2012 6:54 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Laba qof ayaa ku geeriyootay qof kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kaddib markii ciidamada dowladda KMG ah ay rasaas ku fureen gaari noociisu ahaa MARK II oo ku socday degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

7/7/2012 4:00 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay inuu walwal weyn ka qabo dhameystirka heshiiska Roadmap-ka oo uu wax ka saxiixay, isagoo sheegay in shirarka odayaasha ee Xamar ka socda ay xagal-daacin karaan dhameystirka khariidadda nabadda.

7/7/2012 3:55 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeeysay Kenya inay si sharci-daro ah baaritaano shidaal uga sameynayso xeebaha ku yaalla dhinaca Konfureed ee Soomaaliya.

7/7/2012 3:12 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Midowga Afrika ee (AMISOM) ayaa si rasmi ah ula wareegay hoggaanka ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya kaddib munaasabad Jimcihii shalay ka dhacday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

7/7/2012 2:48 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in qodobka ku saabsan maqaamka ay yeelanayso magaalada Muqdisho dib u eegis lagu sameynayo, isagoo xusay in sharci gaar ah laga soo saarayo.