Faahfaahin ku Saabsan Dagaal Xalay Gobolka J/hoose ku Dhexmary Xoogaga Alshabaab iyo Ciidamada Isbaheysiga ah

Jimce, January 13, 2012(HOL) Kismaayo , Soomaaliya - Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeyso dagaal xalay saqdii dhexe ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo xarakada Alshabaab ku dhexmaray inta u dhexeysa deegaanada Xayo  iyo Taabto ee gobolka J/hoose.

Wararka aynu ka heleyno deegaanka Taabto ayaa sheegaya in xoogaga Alshabaab ay xalay weerar gaadmo ah la beegsadeen fariisimo ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ku lahaayeen inta u dhexeyso deegaanka Xayo iyo Taabto, waxaana la sheegay in uu halkaasi ka qarxay dagaal culus oo waqti dheer
socday.

Dagaalka ayaa inta la ogyahay waxa ku geeriyooday ilaa lix qof oo ah dhinacyadii dagaalamayay ah, iyadoona ay wararku sheegayaan in dhaawucu intaasi ka badanyahay.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda KMG oo ku sugan gobolka J/hoose  ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalkii xalay, iyagoona sheegay in ay qasaaro lixaad leh u geysteen dagaalyahannada Alshabaab ee weerarka soo qaaday.

Ma jiraan ilaa imika wax war ah oo kasoo baxay dhanka xoogaga Alshabaab ooku aadan dagaalkii xalay ka dhacay nawaaxiga deegaanka Xayo ee gobolka J/hoose.

Dagaalkii xalay xoogaga Alshabaab iyo ciidamada huwanta ah ku dhexmaray inta u dhexeysa deegaanada Xayo iyo Taabto ayaa qeyb ka ah weerarro gaadmo ah oo ay xoogaga Alshabaab aalaaba ku qaadaan saldhigyada ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya uga suganyhiin deegaanada galbeed ee gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya