Xarakada Al-shabaab oo ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada ay ka taliso inay ka qaybtaan dagaallada

Jimco, Jannaayo 13, 2012 (HOL) − Xarakada Al-shabaab ayaa shacabka ku nool goobaha ay ka taliso ugu yeertay inay ka qaybgalaan dagaallada jihooyinka badan ee ka socda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Ma'suuliyiin Al-shabaab ee gobollada Koonfureed iyo kuwa dhexe ayaa shacabka u sheegay in dagaallada ay qayta ka yihiin Itoobiya, Kenya iyo AMISOM oo ka kooban saddex waddan ay yihiin kuwo ka dhan ah Soomaalida iyo diintooda.

"Odayaasha, dhallinyarada, haweenka iyo ragga waxaa laga doonayaa inay qayb ka qaataan dagaallada socda, waayo waa kuwo lagu doonayo in lagu burburiyo diinta Islaamka iyo nabadda jirta," ayay yiraahdeen mas'uuliyiin Shabaab ka tirsan oo kula hadlay dadweynaha degmooyin dhowr ah.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose ee Al-shabaab, Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo kula hadlyaya degmada Marko odayaal ayaa sheegay in looga baahan yahay inay dhexda xirtaan ayna ka hortagaan duullaannada dalka ka socda.

"Dagaallada socda waxaa qayb ka ah, Kenya, Itoobiya, Burundi, Uganda iyo Jabuuti oo hadda kusoo biirtay waana in laga hortago," ayuu yiri Abuu-Cabdalla oo sheegay in duullaankaan uu yahay mid qaawan oo Islaamka lagu soo qaaday.

Magaalooyin ay ka mid yihiin Baydhabo iyo Xudur ayaa waxaa ka socda abaabullo ku aaddan in dagaallada socda looga qaybqaato, iyadoo ay jiraan cabsi laga soo sheegayo deegaannada ku dhow xuduudda ee ka tirsan gobolka Bakool, taasoo ah in ciidammo Itoobiyaan ah ay kasoo tallaabaan Soohdinta.

Waa markii ugu horreysay oo Xarakada Al-shabaab ay abaabullo noocan oo kale ah ka billowday degmooyinka iyo gobollada ay ka taliso, kaddib dagaalladu ay noqodeen kuwo ka furmay jihooyin aysan horay uga jirin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya