Jimco, Jannaayo 13, 2012 (HOL) − Golaha Mideynta Gobolka Hiiraan ayaa baaq nabadeed iyo tallooyin ku aaddan gobolka Hiiraan soo saaray, waxayna baaqooda ku sheegeen in nabadda gobolka la adkeeyo lagana fogaado wax kasta oo nabadda iyo wada-noolaashaha wax u dhimi kara.
Sidoo kale, wuxuu goluhu baaqiisa ku sheegay in odayaasha dhaqanka oo wadajira ay si iskaashi leh ugu hawlgalaan sidii loo sugi lahaa nabadda loona adkeyn lahaa midnimada bulshada Hiiraan, isla markaa looga hortegi lahaa wax kasta oo keeni kara shaki, xiisad iyo dareen dhiilo.
Goluhu wuxuu baaqiisa ku sheegay in ciidanku yeesho hab-dhaqan suuban oo lagu kasban karo dadweynaha gobolkaas ku nool. In madaxda ciidanku si joogta ah u fuliso kontroolka iyo ka warqabka ciidanka, asluubta iyo kala dambeynta.
Taliyeyaasha ciidamada ayaa waxaa lagula taliyay in dhaqadhaqa ciidanku uu ahaado mid qorsheysan oo leh hoggaan waafaqsan hadba heerka uu yahay, sidoo kalena ciidanku ka fogaado wax kasta oo dadweynaha ku abuuri kara shaki iyo xasaasiyad.
Dowladda KMG ah ayuu goluhu ugu baaqay inay gacan ka geysato taakuleynta iyo daryeelka ciidamada degaanka, gargaarka cunto iyo daawo dadka ku tabaaleysan degmooyinka, tuulooyinka iyo xeryaha qaxootiga gobolka.
Dowladda waxaa kaloo loogu baaqay - soo nooleeynta iyo hawgalinta adeega bulshada iyadoo mudnaanta kowaad siinaysa isbitaalka weyn ee gobolka oo leh taariikh fog iyo wax-qabad soo jireen ah. Sidoo kalena ay ka shaqeyso sidii maamul loo dhan yahay loogu sameeyn lahaa gobolka iyo degmooyinka hoos yimaada iyadoo la tixgalinayo soo-jeedinta waxgaradka gobolka si loo helo qof karti iyo aqoon u leh qabashada xilkaas oo kasoo jeeda gobolka.
Ugu dambeyn, qurbo-joogta, ganacsatada iyo dadweynaha gobolka ayaa iyagana lagula taliyay in ay u gurmadaan dadka ku dhibaateysan gobolka oo dhan. Hiiraan waa inay horay u socotaa, danteeda garataa, hal-ku-dhegguna ahaadaa (Walaaloow iyo maxaa noo dana ah).
Waxaa baaqa lagu soo xiray tixo suugaaneed ay ka mid ahaayeen:
Degaan kheyr leh duunyo iyo maal ayuu Daa’im idin siiyay
nimco dahan dalag iyo biyo ayuu Daa’im idin siiyay
degaan muhima aqoon iyo dadkeed ayuu Daa’im idin siiyay.
Dulmi lama kasbado iyo wuxuu Boqorku dooneeyne
waa looga dari duul hadduu diido ammarkiisa.
Sida Diintu fari waa Midnimo waxa lagu dan-garaaye
awood dararta iyo waxay ku siin horumar aan daahin
ku dadaala Nabaddu waa deeq gogol dangiig fiican
iska diida Dagaal iyo Colaad waa waxii dib-u-dhacaa keenay.
oo dib u daya waxii dumar asaay madaxa loo duubay
dib u daya waxii deris qaxoo duurka ku irdhoobay
dib u daya waxii dirac-wiil la dilay hooyoo dib u weeyday
dib u daya waxii guri dumoo hoobiyuhu duugay
dib u daya waxii safar dayacan loo dariiq seexday
dib u daya waxii qarax daryaan doorki naga laayay
dib u daya waxii maato dagan xoolo laga daadshay
dib u daya waxii Daa’im faray oo diiday oraneynay.
Sida Diintu fari waa Midnimo waxa lagu dan-garaaye
awood dararta iyo waxay ku siin horumar aan daahin
ku dadaala Nabaddu waa deeq gogol dangiig fiican
iska diida Dagaal iyo Colaad waa waxii dib-u-dhacaa keenay.
Duxda hadalka markaan soo dabroo qalinka sii daayo
"Walaaloow iyo maxaa noo dana" ayaa doodi ku idlaatay,
waa dariiqa loo maro wanaag dulucdi oo kooban
darbiyada ku qora iyo meel kastoo aragti kugu deeqda
ayadaa dardaarana oo dantii Gobolka loo doortay
ayadaa dastuur iyo u noqon xeerka lagu diirsan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya