Qarammada Midoobay oo sheegtay inay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo weli u baahan gargaar joogto ah

Jimco, Jannaayo 13, 2012 (HOL) − Saraakiisha ugu sarreeya hay'adaha gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in gargaarkii hay'adaha dunidu ay ku caawiyeen Soomaaliya sannadkii hore oo ay abaaro iyo macluul darni jireen lagu guuleystay in lagu badbaadiyo tiro badan oo dad ah, balse weli ay jiraan malaayiin qo oo Soomaali ah oo u baahan gargaar bani'aadamnimo.

Bishii Juulaay ee sannadkii hore waxay Qaramada Midoobay sheegtay in saddex goobood oo ku yaalla Soomaaliya ay ku dhufatay macluul daran oo sababtay in 1.5 milyan qof ay xalaad daran wajahdo.

Mark Bowden oo ah xiriiriyaha gargaarka ban'i'aadamnimo ee Soomaaliya ayaa war uu kasoo saaray New York ku sheegay in gargaarkii la helay sannadkii hore 2011 la gaarsiiyay dadkii u baahnaa, isagoo xusay inay weli jiraan dad badan oo gargaar u baahan.

"Dadka weli u baahan gargaarka waa kuwii ka tallaabay xuduudda oo u badan caruur iyo dad waaweyn," ayuu yiri Bowden oo sheegay in loo baahan yahay in la caawiyo dadkaas.

Hay'adaha Qaramada Midoobay waxay sanadkan codsadeen 1.5-milyan doollar si loo caawiyo dadka gargaarka u baahan ee ku sugan Soomaaliya iyo kuwa qoxootiga ku ah dalalka dariska ah.

"Kororka dadka u baahan gargaarku waa socdaan, waxaana loo baahan yahay in la helo dhaqaale ay hay'adu ku caawiyaan," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo sheegay in gargaarkii sannadkii hore ay heleen uu aad uga yaraa intii la dalbaday.

Wuxuu sheegay in macluushu ay weli hayso 750,000 illaa 150,000 kuwaasoo ay qaarkood la qaarkood ay la il-daran yihiin shubanka, qaarkoodna ay ku dhaceen cudurro ay ka mid yihiin caabuqa iyo cudurro kale oo faafa.

"Qaar ka mid sheekooyinka Soomaaliya waa guuleysteen, laakiin balse meel Soomaaliya oo kale ah guusheedu ma ahan mid dhameystiran," ayuu Bowden. "Dhab ahaantii tirada dadka ka badbaaday macluusha macnaheedu ma ahan khatartii waa dhammaatay. Dad badan ayaa weli ku jira xaaladdii khatar ah."

Ugu dambeyn, wuxuu Bowden wuxuu sheegay in afar milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo oo joogto ah, kuwaasoo ay ku jiraan cunno, daryeel caafimaad iyo biyo biyo nadiif ah oo ay cabaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya