Jimco, Jannaayo 13, 2012 (HOL) − Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegtay inay sii-wadayso gargaarka caafimaad ee dalka Soomaaliya ay kawaddo, kaddib toogashadii loo gaystay labo ka tirsan shaqaalaha caalamiga ah oo uu toogtay nin ka tirsan hay'adda.
Warsaxaafadeed ay hay'addu soo saartay ayay ku sheegtay inay hoos u dhigeen tirada shaqaalaha caalamiga ah ee Muqdisho kaddib musiibadii dhacday sidoo kalena ay sare u qaaddy tallaabooyinka dhanka nabadgalyada, haddana ma jiro go'aan lagu hakinayo ama gabi ahaan lagu joojinayo howlihii MSF ay dalka kawaday taasoo ay ka mid tahay Muqdisho.
"Macluumaadka la helayo illaa hadda waxay tibaaxayaan in toogashadu ay ahayd fal shakhsi uu geystay taasoo aan xiriir la laheyn arrin siyaasad ama colaadeed ka jirta Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaanka MSF ay soo saartay.
Sidoo kale, hay'addu waxay qoraalkeeda ku tiri: "Ruuxa eedaysanaha ah wuxuu kala shaqeynayay hay'adda dhanka qalabeynta 14-kii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana socda baaritaan la xiriira xatooyo mana jirin go'aan MSF ay ka gaartay mustaqbalkiisa xilliga uu ku kacay falka dilka ah."
Hay'adda MSF waxay sheegtay in baartitaanka ay qayb ka geysanayaan garab bulshada ka mid ah oo ay mar walba MSF ka qayb-galiso hawlaha.
"Maanta, eedaysanuhu wuxuu gacanta ugu jiraa maamulka caasimadda. MSF qeyb kama ah arrinta gacan ugu jiridda maamulka mana ka hayno faahfaahin dheeri ah dacwadiisa," ayay ha'yaddu warkeeda ku sheegtay.
Sidoo kale, MSF waxay sheegtay inaysan wax xiriir ah u dhexeyn toogashada laba ka mi ah shaqaalaheeda iyo afduubkii loo geystay labo kale oo shaqaalaheeda ka mid ah loogu geystay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.
"Waxaan ka walaacsannahay xaaladda ay ku sugan yihiin, Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut oo la afduubay iyaga oo ku guda jira u fidin gargaar bani'aadamnimo qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab. Hay'addu waxay dadaal ugu jirtaa sii-daynta labada shaqaale iyagoo bad-qaba," ayay hay'addu tiri.
Hay'adda MSF waxay si aan kala go’ lahayn uga shaqeyneysay Soomaalida tan iyo sannadkii 1991-kii, waxayna hadda ka howlgalisaa Soomaaliya oo dhan 13-mashruuc oo ay ka mid yihiin daryeel caafimaad oo la xiriira xaaladaha deg-degga ah, tallaal caruur iyo nafaqada hooyada iyo dhalaanka. MSF waxaa kale gargaar u fidisaa qaxootiga Soomaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab-Kenya iyo Doolow Caddo-Ethiopia.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya