Burcadbadeed Soomaaliyeed oo Badweynta Hindiya ku weeraray markab dagaal oo ay leedahay dowladda Spain

Jimco, Jannaayo 13, 2012 (HOL) − Burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa weeraray markab dagaal oo laga leeyahay dalka Spain oo marayay meel ka baxsan biyaha Soomaaliya, balse markabka ayaa qabtay lix ka mid ah burcadbadeeddii weerarka ku qaaday, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan biyaha Soomaaliya.

Biyaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan maraakiib dagaal oo laga leeyahay dalalka Yurub iyo kuwo kale oo caalamka ka socda si ay uga hortagaan afduubyada ay kooxaha burcadbadeedda ah u geysanayaan maraakiibta isaga gooshaya dunida ee maraya badweynta Hindiya iyo gacanka Cadan.

"Kooxdan burcadbadeedda ah waxay rasaas ku fureen markabka, waxayna isku dayeen inay gudaha u galaan markabka Patino. Ciidamada Markabka saaran ayaa markaas kaddib billaabay inay isdifaacaan iyagoo adeegsanaya diyaarado kuwa qumaatiga au kaca ah," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen ciidamada EU Naval Force.

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa intaas ku daray in markabka Patino uu ka mid ahaa maraakiibtooda ka hortaga burcadbadeedda, uuna sagootiyay markii weerarka lagu qaadayay markab u rarnaa haya'dda cunnada adduunka ee WFP.

"Markii burcadbadeeddu ay arkeen diyaarada helicopter-ka ah waxay bilaabeen inay ka boodaan doonidii ay la socdeen oo ay badda ku daataan, waxaase la qabtay lix ka mid ah," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn, ciidamada badda Midowga Yurub waxay sheegeen in shan ka mid ah lixda burcadbdeed ee la qabtay ay dhaawacyo gaareen laguna daweynayo dusha sare ee markabka, iyadoo mid ka mid ah buradbadeedda uu ku maqan yahay badda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya