Arday ku xayirnayd Nairobi oo lasii daayay

Jimce, November 04, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Arday Soomaaliyeed oo gaaraysay 56 oo ku xayirnayd ayraboorka Nairobi ayaa ugu dambayntii loo ogolaaday inay safarkooda sii wataan, iyagoo ku sii jeeda Khartuum.

Saraakiisha socdaalka ee Kenya ayaan cadaynin sababta dhabta ah oo ugu dhageen ardaydan oo taraansit ku ahaa Nairobi, kuna sii jeeday dalka Sudan oo ay deeq waxbarasho ka heleen.

Waxaan ardaydan lasii daayay kadib markii ay arrinta soo faragalisay safaaradda Soomaalida oo ka dalbatay saraakiisha socdaalka ee Kenya in ardaydan loo fududeeyo bixitaankooda, maadaama ay wataan dhamaan dikumiintiyadii loo baahnaa.

Safiirka Soomaalida Maxamed Cali Ameriko iyo xoghayaha koowaad ee safaaradda Cali Maxamed Shiekh (Bagadi) oo ay Hiiraan Online wax ka waydiisay xayiraada ardaydan, ayaa tilmaamay in ugu dambayntii ay ku guulaysteen sii dayntooda.

C/naasir Abshir Xassan oo kamid ah ardayda ku xanibnaa Ayraboorka Jomo Kenyatta , ayaa noo sheegay in halkaa lagu hayay ilaa arbacadii, loona sheegi waayay sababta looga reebay diyaarad ay ku tagi lahaayeen Addis ababa oo ku sii jeeday Khartuum.

“Waxay nagu yiraahdeen tikid cusub goosta, waanan wadayna tikidkayaga, waan garan la’anahay sababta ay sidaan noogula dhaqmeen”. Ayuu yiri C/naasir.

“Waxaan la xiriirnay safaaradeena, wayna noo soo gurmadeen, haddana ayaga ayaa noo fududeeyay in nala sii daayo”. Ayuu sii raaciyay C/naasir oo la hadlay Hiiraan Online daqiiqado ka hor inta aanay Khartuum u duulin.

Maahan markii ugu horreysay ee arrin noocaan ah ay dhacdo, balse saraakiisha socdaalka ee Kenya ayaa caado ka dhigtay in ay bartilmaameedsadaan dadka Soomaalida ah, xataa qofkii wata dikumiintiyo sharci ah, iyagoo dadka Soomaaliyeed ee ayraboorka ka soo daga ay ka cabanayaan in si bareer ah  laaluush loo waydiiyo, hadii kalana loo diido in lasoo fasaxo.


Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya