
Jimco, November 04, 2011 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo in Kenya ay weerarto degmooyin ka tirsan gobollada Koonfurta Soomaaliya.
Mudane Xaabsade ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid walba oo dagaal la galaysa Al-shabaab, balse ay kasoo horjeedaan in la duqeeyo degmooyin ka tirsan Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay tahay dhibaato kale oo shacabka loo geysanayo.
"Dowladda Kenya waan soo dhaweynay markii ay soo gashay Soomaaliya si ay ula dagalaanto Al-shabaab, balse waxana kasoo horjeednaa inay duqeeyaan 10-degmo oo ay sheegeen inay duqeynayaan," ayuu yiri mudane Xaabsade.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in dowladda Kenya ay ka codsanayaan inay ka laabato go'aankeeda ah inay duqeynayso 10-degmo oo ay ka mid yihiin Baydhabo, Diinsoor iyo Bu'aale, isagoo sheegay in tani ay sababi karto inay dhalato dhibaatooyin kale oo ay dadku la kulmaan.
"Magaalooyinka la sheegay in la duqeynayo dad badan ayaa ku nool, haddii la duqeeyo waxay keenaysaa in dadkaas ay ka cararaan halkaas, taasina waa dhibaato kale oo la soo gudboonaanaysa shacabka," ayuu yiri xildhibaan Xaabsade.
Mudanahan wuxuu ka mid ahaa mudanayaal sheegay inay soo dhaweynayana ciidanka Kenya ee gudaha Soomaaliya soo galay, iyagoo haddana u muuqda inay ku biireen kuwa ka cabanaya soo gelitaanka Kenya kuwaasoo qaba in dagaalladu keeni karaan dhibaato cusub oo ku habsata shacabka.
Dowladda Kenya ayaa todobaadkan sheegtay inay duqeynayso 10-degmo oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya kuwaasoo ay sheegtay inay awood ku leedahay Xarakada Al-shabaab, iyago iyagoo dadka ugu baaqay inay ka baxaan degmooyinkaas oo ay ku jirto Kismaayo.
Hay'adda maareynta musiibooyinka Qaranka ayaa iyaduna uga digtay Kenya inay duqeyso degmooyinka ay sheegtay inay duqeynayso, waxayna sheegeen in taasi ay keeni karto inay dhacdo musiibo ka weyn tii dhacday markii ay abaaruhu dilaaceen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya