Kenya oo u yeertay Safiirka Eritrea u jooga dalkeeda

Jimce, November 04, 2011(HOL) Nairobi, Kenya - Safiirka Eritrea u jooga dalka Kenya  Saalax Cumar Cabduu ayaa maanta looga yeeray  wasaaradda arrimaha dibada ee Kenya.

Wasiirka arrimaha dibada ee Kenya Moses Wetangula ayaa ka dalbaday Eritrea in ay faahfaahin ka bixiso wax uu ku tilmaamay diyaaradaha kasoo kacay Eritrea ee ku dagay magaalada Baydhabo oo Kenya ay ku sheegtay inay hub u sideen xarakada Alshabaab.

Kenya waxaa kale oo ay dalbatay in Eritrea ay caddayso mawqifkeeda ku aadan xarakada Alshabaab oo warbixino kala duwan ay Eritrea ku xiriiriyeen inay u gudbiso hubka.

Eritrea ayaa beenisay wararka ku eedaynaya inay hubayso Alshabaab, waxayna ku tilmaantay wararkaasi inay yihiin kuwo ay dabada ka riixayso Itoobiya oo ay cadawtinimo dheer kala dhaxeyso.

Eritrea waxaa kale oo ay sheegtay inay wafdi heer sare ah u soo dirayso Kenya si ay u caddayso diidmadeeda ku aadan hubaynta xarakada Alshabaab oo ay Kenya dagaal kula jirto.

Xiisadan diblamaasiyadeed ee u dhexaysa Kenya iyo Eritrea waxaa ay ku soo beegantay xilli saddex diyaaradood ay  maalmihii lasoo dhaafay ka dageen Baydhabo, kuwaasoo la sheegay inay hub u sideen xarakada Alshabaab.


Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya