Garoonka diyaaradaha ee Masar oo lagu xiray nin Soomaali-Canadian ah iyadoo aan la ogeyn sababta loo xiray

Jimco, November 04, 2011 (HOL) — Nin Soomaali-Canadian ah ayaa lagu xiray Axaddii lasoo dhaafay garoonka diyaaradaha Qaahira ee dalka Masar, iyadoo aan dambiga loo haysto la ogeyn, sida ay sheegeen golaha Soomaalida Kanada.

Madaxa golaha Soomaalida Kanada, Axmed Xuseen ayaa sheegay in xubno ka tirsan golahooda ay ka walaacsan yihiin xalaadda C/naasir Jaamac warsame oo 53-jir ah, kaasoo lagu xiray gaoronka diyaaradaha ee Qaahira Axaddii lasoo dhaafay.

"Qaraabadiisu ayaa ka walaacsan xariggiisa," ayu Xuseen yiri Khamiistii shalay, isagoo intaas ku daray: "Xubno ka mid ah aniga ayay ii yimaadeen, waxayna ii sheegeen in aysan hayn cid ay kala xiriiraan."

Wararka ayaa waxay sheegayaan in cidamada booliiska Masar ay xireen Warsame markii uu ka dagay garoonka diyaardaha ee Qaahira. Waxaa la sheegay inuu ku socday qoyskiisa oo daggan Qaahira.

C/naasir Warsame ayaa wax ku bartay jaamacadda Toronto, iyadoo ehelladiisu ay sheegeen inay la xiriireen wasaaradda arrimaha dibadda ee Canada, balse aysan jirin wax faahfaahin ah oo laga siiyay xarigiisa.

Nin ay saaxiibbo yihiin Warsame oo lagu magacaabo C/raxmaan Xasan oo 51-jir ah ayaa u sheegay in la xiray Axaddii lana qabtay isagoo caawinaya dhallinyaro, isagoo sheegay in lagu eedeeyay inuu amaanka liddi ku ahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya