Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay iska difaacayso weerar walba oo kaga yimaada ciidamada dalka Kenya


Jimco, November 04, 2011 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay iska difaacdo weerar walba oo kaga yimaada dowladda Kenya, uuna noqdo dagaalka ay soo qaadday Kenya mid ku dhamaada guul-darro.

Dowladda Kenya ayaa kumannaan ciidamadeeda ah oo ay taageerayaan taangiyo iyo diyaaradaha dagaalka u soo dirtay Soomaaliya bishii hore, kuwaasoo ay sheegtay inay kula dagaalami doonaan gudaha dalka xoogagga Al-shabaab inta ay ka qabsanayaan magaalada Kismaayo.

"Mujaahidiinta Al-shabaab waxay difaaci doonaan Soomaaliya, waxayna dagaalka ay Kenay soo qaadday ka dhigi doonaan mid guuldarreystay," ayay Xarakadu ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay.

"Waxaan u jabin doonnaa sidii aan u jabinnay dowladihii kale ee xoogga lahaa, kuwaas oo dhibaato badan kala kulmay dagaalkii ay Soomaaliya kusoo qaadeen," ayaa sidoo kale lagu yiri warsaxaafadeedka, iyagoo sheegay in Kenya ay arki doonto dhibaatada.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii waxaa gudaha Soomaaliya galay ciidammo kala duwan oo dibadaha ka yimid, kuwaasoo markii dambe ka baxay, kaddib markii ay ku guul-darreysteen inay ka gaaraan hadafkii ay ka lahaayeen.

Dalalka ciidamada geliyay Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah: Mareykanka iyo Itoobiya wayna ku guuldarreysteen inay hirgeliyaan qorshihii ay u galeen oo ahayd inay nabad kusoo celiyaan Soomaaliya oo dhan.

Xukuumadda Kenya ayaa toddobaadyo ka hor gudaha u gelisay Soomaaliya ciidammo fara badan oo lugta ah, iyadoo sidoo kalena sheegtay inay hawada ka duqeyn doonto 10-degmo oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo ay ka taliso Al-shabaab.

"Si dhaqso badan ayaan Al-shabaab uga saaraynaa degmooyinka Koonfurta ee ay ka taliyaan, waxaana xaqiijin doonnaa ammaanka dalkeenna," ayuu yiri afhayeenka ciidanka Kenya Major Emmanuel Chirchir.

Dowladda Kenya oo aan tan iyo markii ay burburtay Soomaaliya faraha la gelin colaadda Soomaaliya ayaa waxay u muuqataa inay xilligan tijaabinayso, iyadoo aan la ogeyn halka ay arrin ku dambeyn doonto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya