Ururrada Haweenka Soomaaliyeed oo olole ugu jira sidii loo mamnuuci lahaa gudniinka fircooniga ee Haweenka

Jimco, November 04, 2011 (HOL) — Ururrada haweenka ee magaalada gaalkacyo ayaa olole ugu jira sidii maamulka Punland uu mamnuuci lahaa gudniinka fircooniga ah ee haweenka lagu sameeyo, iyagoo sheegay in gudniinkan uu yahay mid dhibaato weyn ku haya haweenka.

Gudniinka fircooniga ah ayaa si weyn looga isticmaalaan Soomaaliya, inkastoo uu aad u yaraanayo sannadihii dambe, kaddib wacyigelinno la sameeyay, iyadoo ururradan ay doonayaan in sharci lagu mamnuucayo lasoo saaro.

"Nasiib-darro, ololayaashii aan sameynay ee aan uga digaynay gudniinka xaddi badan hoos uma dhigin. Waxaana weli uu si xooggan uga jiraa xeryaha barakacayaasha," ayay tiri Luul Madar oo madax u ah ururka horumarinta haweenka ee Mudug, kaasoo ka mid ah ururrada ololaha ugu jira in gudniinka haweenka la mamnuuco.

Luul Madar ayaa sheegtay in gudniinkan uu haweenka dhibaato ku hayo, ayna dhowr jeer oo hore sameeyeen wacyigelinno inkastoo aanu hoos u dhicin weli.

"Waxaan aragnay waalidiin badan oo rumeysan in gabdhaha la gudo, iyagoo sheegaya inay gabadhooda ka dhigayaan bikro. Nasiib-darro tani waa fikir qaldan oo dhibaato lagu gaarsiinayo haweenka," ayay hadalkeeda ku dartay.

Mss. Madar waxay sheegtay in ururkeeda iyo ururro kale oo haween ay dadaal weyn ugu jiraan sidii Puntland ay u mamnuuci lahayd gudniinka fircooniga ah. "Waxaanu doonayno waa in la joojiyo gudniinka fircoioniga ah oo dhan, lagana soo saaro sharci."

Sidoo kale, Xaawo Aadan oo ah xoghayaha guud ee ururka xarunta horumarinta, waxbarashada iyo nabadda Gaalkacyo oo ka mid ah ururrada u ololeyanaya joojinta gudniinka fircooniga ah ayaa sheegtay in xitaa diinta islaamka uu xaaraan ku yahay gudniinkan.

"Gudniinka fircooniga waa mid khaldan," ayay tiri iyadoo intaas ku dartay. "Waa inaan la dagaalanno, illaa laga joojinayo." Iyadoo sheegtay in haweenka ay dhibaatooyin kala kulmaan gudniinkan.

Farxiyo Jaamac oo iyaduna ka mid ah ururrada dagaalka kula jira gudniinkan ayaa sheegtay in gudniinkan uu cunqdad ku reebo gabdhaha, iyadoo tiri: "Waxaan jiraa 40 sano, hadda aad ayaan uga naxaa markaan xusuusto markii la i gudayay, wuxuu igu reebay cuqdad."

Haweenka madaxda ka ah ururrada haweenka ee dadaalka ugu jira in la mamnuuco gudniinka fircooniga ah ayaa waxay sheegeen in dadaalka looga hortagayo gudniinkan uusan ahayn mid ku wajahan hooyooyinka iyo gabadha keliya, balse uu ku wajahan yahay xitaa ragga, gaar ahaan kuwa dhallinyarada ah ee gaaray da'da guurka, aqoon-yahannada iyo culummada.

"Waxaanu doonaynaa inaan ragga oo dhan u sheegno in gudniinka fircooniga ah uu yahay mid aan u wanaagsanayn haweenka, ayna ka hortagaan in gabdha qaabkan loo gudo," ayay tiri Luul Madar oo ku hadlaysay afka ururradan.

Inta badan haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa loo guday qaabka fircooniga ah, inkastoo ay jiraan haween badan oo ka badbaaday in fircooni loo gudo, kuwaasoo ay sabab u noqotay inay ka badbadaan wacyigelinta la sameeyay iyo dalalka ay qaarkood ku nool yihiin oo aan laga isticmaalin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya