Madaxweynaha Soomaaliya oo xil-ka-qaadis ku sameeyay Taliyayaasha Ciidamada ee Dowladda FKMG


Axad, March 07, 2011(HOL): Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, isla markaana la soo gaarsiiyay Xafiiska Warqabadka Hiiraan Online ayaa wuxuu madaxweynaha xilalkii ay hayeen uga qaaday Taliyayaasha Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

 

Wareegtadan oo uu na soo gaarsiiyay Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha Malik Abdalla ayaa u qorneyd sidan:

 

Wareegtadan ayaa timid kaddib markii ay keeneen soo jeedin xilkaqaadis Wasiirrada ay arrintaani khuseyso  oo uu horkacayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

 

Madaxwenaha oo  tixgilelinaya  soo jeedinta  wasiirrada  isla markaasna qiimeynaya xaaladda iyo daruufaha nabadgelyo ee uu dalka marayo, loona baahan yahay in la qaato tallaabooyin lagu habaynayo, laguna dar-dar galinayo hay’adaha nabadgalyada Qaranka, si loo xaqiijiyo is-bedel wax-ku-ool ah oo dalka ka dhaca, ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay Maarso 07 2011 Madaxweynuhu ka qaaday xilalkii Taliyenimo Saaraakisha hoos ku xusan:

 

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/GUUTO Axmed Jimcaale Geedi.

 

Taliyaha Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka Soomaliyeed S/GUUTO  Maxamed Sheekh Xassan Xaamud.

 

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/GUUTO Cabdullahi Macallin Cali.

 

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed S/GUUTO Cali Maxamed Xassan Looyaan.

 

Xil-ka-qaadista uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto Xoogag taabacsan Xarakadda Al-Shabaab, iyadoo la xusuusan yahay in ay dhawaan magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaallo xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xoogagga Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Hiiraan Online

[email protected]