
Isniin, Maarso 07, 2011 (HOL) – Waxaa manta deeq raashiin ah la gaarsiiyay dadka ku nool degmada Wardhiigleey oo isugu jira barakacayaal iyo dad horay u daganaa degmadaas, kuwaasoo ay lasoo gudboonaatay xaalado nolol xumo iyo raashin la'aan ah.
Deeqdan raashinka ahaa ayaa waxaa ka qaybiyay degmada Wardhiigleey guddiga gurmadka abaaraha oo maalmaahan dambe ku howlanaa qaybinta raashinka ay ka heleen wadamada Imaaraadka Carabta.
Raashinkan deeqda ah ee loo qaybiyay dadka dhibaateysan ee ku nool Wardhiigley ayaa isugu jirtay bur, bariis, caano boore iyo baasto, iyadoo mas'uuliyiinta guddiga ay ku qaybinayeen tiro kaarar ah oo ay dadka raashinka la siiyay horay loogu qaybiyay.
Muuse Faarax Maxamuud oo ka mid ah mas'uuliyiinta guddiga ayaa saxaafadda uga warbixiyay qaabka ay ku bixinayeen raashinka isagoo sheegay inay deeqdan horay uga bixiyeen degmooyinka ay dowladdu maamusho qaarkood haddana ay ku talo-jiraan inay degmooyinka harsan ka bixiyaan.

"Waxaan maanta degmada Wardhiigley ka qaybinaynaa deeqdan raashinka ah oo ay guddiga horay uga heleen wadan ka mid ah kuwa carabta, waxaana horay uga soo qaybinay degmooyinka Wadajir, Dharkeynley iyo Xamar-weyne," ayuu yiri Muuse Faarax.
Sidoo kale, waxaa xarunta degmada Wardhiigley oo ahayd halka lagu qaybinayay deeqda raashinka ah ka hadashay guddoomiyaha degmada Wardhiigley Deeqo C/qaadir Axmed, iyadoo sheegtay inay halkaan isugu yimaadeen dad haysta kararka ay guddiga ku qaybinayeen raashinka iyo dad aan haysan oo ka tirsan deegaannada horay looga soo qaybiyay.
Ugu dambeyn, qaybinta raashinka loo qaybinayay dadkan tirada badan ayaa kusoo gaba-gabowday jawi daggan, iyadoo ayan jirin wax qalalaase ah oo dhacay ayna ammaanka sugayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya