Maxkamadda ciidamada dowladda KMG ah oo maanta xukunno kala duwan ku ridday dad eedeysanayaal ah

Isniin, Maarso 07, 2011 (HOL) Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee DKMG ah ayaa maanta gallinkii dambe xukunno kala duwan ku ridday saddex qof oo ka mid ahaa sideed qof oo maxkamadda la horkeenay, kuwaasoo intooda badan la sheegay inay ka mid ahaayeen ururkii Xisbul Islaam ee ku biiray Xarrakatul Shabaab.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada G/dhexe Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo saxaafadda la hadlay markii uu xukunka maxkamadeed dhacay ayaa sheegay in shan qof oo ka mid ahaa dadkii maxkamadda la horkeenay lagu waayay wax dambi ah ayna amreen in lasii daayo.

"Maxkamadda ciidamada waxay maanta 20-sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Cali Yuusuf Kadiye oo ka mid ahaa ilaalada madaxtooyada oo horay ugu goostay ururkii Xisbul Islaam, isagoo maxkamadda horteeda ka qirtay dambigiisa," ayuu yiri G/dhexe Muun-gaab.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada wuxuu sheegay in C/risaaq Maxamed Xuseen oo 30-jir ah iyo C/wahaab Xuseen Garaad oo 20-jira ah iyagana lagu xukumay min 15-sano oo xabsi ciidan ah, kaddib markii ay qirteen dambigii loo haystay oo ahaa inay bishii November sannadkii hore xilli habeen ah ay isku dayeen iyo saaxiibbadood inay weerar ku qaadaan xarun hay'adeed oo ku taalla goobaha ay dowladdu maamusho.

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in maxkamaddu ay amartay in lasii daayo markii wax dambi ah lagu waayay shan qof oo kala ah: C/casiis Xasan Aadan, Cabdi Cismaan Maxamed, Xasan C/qaadir Maxamuud, Zakariye Xasan Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Shidane oo ka mid ahaa dadkii maxkamadda la horkeenay.

G/dhexe Xasan Muun-gaab ayaa intaa ku daray in xukunnada saddexda ruux ee lasoo eedeeyay ay u cuskadeen xeerka madaniga ah iyo xeerka ciqaabta ciidanka, ayna maxkamaddu la wareegay qoryo fudud iyo gaari la doonayay in lagu fuliyo weerarka lala damacsanaa xarunta hay'adeed.

Ma ahan markii ugu horreysay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee DKMG ah ay riddo xukunno noocan oo kale ah, waxaase toddobaadkii lasoo dhaafay ay ku ridday xukunno xabsiyo ah lix qof oo isugu jiray askar iyo shacab lagu eedeeyay inay hubka dowladda ka ganacsanayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya