Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Liibiya la geynayo Suudaan

Isniin, Maarso 07, 2011 (HOL) Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay sheegay in qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Liibiya loo daadgureyn doono dalka Suudaan oo ay uga heleen magangalyo si looga badbaadiyo qoxootigaas colaadda ka taagan dalka Liibiya.

Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee DKMG ah C/weli Maxamed Cali oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in codsi ay horay ugu dirsadeen Jaamacadda Carabta looga soo jawaabay, kaasoo ahaa inay gacan ka geystaan dalalka Carabta in qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Liibiya ku sugan loo daadgureeyo waddan ammaan ah.

"Waxaan Jaamacadda Carabta uga mahadcelinayaa sida ay uga soo jawaabtay codsigii uu madaxweyne Sheekh Shariif u diray, waxaana Soomalida ku xayiran Liibiya ugu baaqyanaa inay isku diyaariyaan in laga qaado halkaas," ayuu yiri wasiirka.

Inkastoo aan la sheegin dalalka Carabta ah ee gacanta ka geysanaya daadgureynta qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Liibiya ku xayiran, ayaa haddana wasiirku wuxuu sheegay in dad u dhexeeya 2000 oo qof illaa 2700 oo qof oo Soomaali ah ay ku xayiran yihiin magaalooyinka waaweyn ee dalka Liibiya.

Qoxootiga Soomaalida ee ku xayiran dalka Liibiya ayaa loo geystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin dilal, dhac iyo jir-dillo iyagoo sheegay in dhibaatada ugu badan ay ku hayaan mucaaradka ka horjeeda maamulka madaxweynaha dalkaas oo rumeysan in dadka madow ay yihiin calooshood u shaqeystayaal uu soo kireystay Col. Qadaafi.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ay dowladda Soomaaliya qaaddo si ay u badbaadiso nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran Liibiya, kuwaasoo ay ku jiraan caruur iyo haween aad u nugul.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya