Puntland iyo Dowladda Denmark oo iska kaashanaya soo furashada Ajaanib lagu haysto xeebta Bandar-Bayla

Isniin, Maarso 07, 2011 (HOL) – Maamulka degmada Bandar Bayla ayaa ku hanbjabay in la weerari doono kooxo burcad badeed Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo afduub ugu haysta xeebaha Puntland ajaanib u dhashay dalka Denmark.

"Waxa hada ay ku suganyihiin burcaddu halka lagu magacaabo Hul-caanood,waxaana aan rajaynayaa in la soo bad-baadiyo ajaanibta "ayuu yiri gudoomiyaha degmadaasi oo HOL waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay.

Siciid Aadan ayaa sheegay in ay jiraan ergay ay u direen kooxaha burcad badeeda ah si ay ula soo xaajoodaan,waxaana uu meesha ka saaray awoodda ay burcaddu u leeyihiin in ay qaarijiyaan ajaanibta ay gacanta ku hayaan.

"Maamulka degmada iyo shacabkuba uma dulqaadan doonaan arimaha noocaan oo kale ah waana naga go,antahay inaan qaadno talaabooyin muuqda "ayuu hadalkiisa ku daray.

Goobta lagu haysto burcad badeeda ayaa lagu magacaabaa Hulcaanood oo 30-km u jirta xeebta Bandar Bayla sida uu ii xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Xaafuun oo aan isna la xiriiray.

Jariirad ka soo baxda dalka Denmark oo lagu magacaabo Eksra Pladet ayaa daabacday war sheegaya in Puntland iyo dowlada Denmarka ay iska-kaashan doonaan sidii loo soo dayn lahaa dadka ay burcad badeedu gacanta ku hayaan.

Kooxaha burcad badeeda ah ayaa badwaynta India ka soo qafaashay ajaanibtan oo la sheegay in ay gaarayaan todobo ruux,iyagoo markaasi la yimaaday xeebta degmada Xaafun ,balse markii danbe ula soo dhaqaaqay dhinac Bandar Bayla.

Ugu danbayntii waxaa jirta cabsida la xiriirta in ay burcaddu toogasho ku dilaan ajaanibta hadii weerar lagu soo qaado si lamid ah afartii ruux ee burcad badeedu ay dileen.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya