Isniin, Maarso 07, 2011 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan doonayn inay lug ku yeelato dagaallada ka socda gobollada dalka Soomaaliya, sidoo kalena aysan qorsheynayn inay ciidamadeeda u dirto Soomaaliya.
Wasiirka ammaanka Qaranka Kenya George Kinuthia Saitoti o warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ee xaurnta Kenya ayaa sheegay in dalkiisa uusan sinnaba qayb uga noqonayn dagaallada ka socda Soomaaliya, balse ay xaaladda si feejigan ugala socon doonaan xuduudda dalkooda uu la wadaago Soomaaliya.
"Kenya qayb kana noqonayso dagaallada Soomaaliya, balse waxaan xoogga saaraynaa sidii aan ammaanka xuduuddeenna u adkeyn lahayn, waayo haddii aanan sidaas yeelin khataro ayaa nooga imaan karta," ayuu yiri Saitoti.
Wasiirku wuxuu sheegay in dad badan oo kasoo cararay dagaallada gobolka Gedo ka socda ay soo gaareen dalka Kenya, dowladdiisuna ay dadkaas u fidisay gacan bani'aadmnimo.
"Waan la soconnaa dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka jira gudaha Soomaaliya, balse ciidankeenu kama qaybqaadanayaan, waxaana xaqiijinayaa inaysan jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo soo maray dalka Kenya kana dagaalamaya Soomaaliya," ayuu Saitoti hadalkiisa raaciyay.
Xarrakatul Shabaab ayaa ku eedeysay dowladda Kenya inay ciidamada Itoobiya u ogolaatay inay kaga soo duulaan degmada Baladxaawo dhinaca degmada Mandheera oo xuduudda ku taalla, taasoo ay ku sheegeen faragelin ay Kenya ku hayso Soomaaliya.
Wasiirka ammaanka Qaranka Kenya ayaa ugu dambeyn sheegay inay ku dadaaali doonaan sidii ay ammaanka dalkooda u adkeyn lahaayeen, ayna uga fogaan lahaayeen ku lug yeelashada dagaallada ka socda Soomaaliya.
Dhanka kale, taliyaha booliiska degmada Mandheera ayaa sheegay inay qabqabteen dhowr qof oo ay uga shakiyeen inay ammaankooda khatar ku yihiin, kuwaasoo ay uu sheegay inay qaarkood haystaan baasaboorro ajnabi ah, sidoo kalena ay ku jiraan dad u dhashay Kenya.
Sarkaal u hadlay Booliiska Kenya oo lagu magacaabo Leo Nyongesa ayaa sheegay in dadka ay qabqabteen oo gaaraya sagaal qof ay ku qabteen degmada Mandheera oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayna baaritaanno ku wadaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya