Xildhibaanno soo dhaweeyay Magacaabidda Ra'iisul Wasaaraha cusub, kana soo horjeestay heshiiskii Kampala (WARBIXIN)


Sabti, June 25, 2011 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay magacaabidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali, iyagoo ugu baaqay inuu dadaal u galo sidii dalka ugu dhigi lahaa mid xasiloon.

Mudanayaashan oo wariyeyaasha kula hadlay Jimcihii shalay Grand Palace Hotel ee xaafadda Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha cusub looga fadhiyo wax-ka-qabashada ciidamada, cadaaladda, burcadbadeedda iyo weliba xoogagga dowladda ka horjeeda.

"Ra'iisul wasaaraha cusub waa inuu ka shaqeeyo dhameystirka dastuurka iyo in la qabto doorasho," ayuu yiri xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo ku hadlayay afka mudanayaashii baarlamaanka, isagoo intaa ku daray in Dr. C/weli uu ku shaqeeyo nidaamkii ay ku shaqeynaysay xukuumadii hore.

Xildhibaannadu waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya haddii kale ay ogaato in falalka ka taagan Soomaaliya ay saameyn ku yeelan karaan gobolka oo dhan.

Mudane Casharo wuxuu sheegay in xildhibaannada baarlamaanka KMG ah ay kasoo horjeedaan heshiiskii Kampala, ayna maalinta Isniinta ee soo socota Muqdisho ku yeelan doonaan kulanka ay ku diidan yihiin heshiiskaas.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in 165-mudane ay mooshin ka dhan ah heshiiskaas u gudbiyeen guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan balse uu diiday.

"Iyadoo la raacayo sharciyada baarlamaanka, afhayeenku waa inuu qabto mooshin walba oo loosoo gudbiyo kaasoo aan ka horimaanayn axdiga KMG ah ee dalka, uuna muddo shan maalmood ah ugu gudbiyo xildhibaannada," ayuu yiri mudane Casharo.

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in mudanayaasha baarlamaanku ay kalsoonida kala laaban doonaan afhayeenkooda Shariif Xasan, ayna dooran doonaan mid kale oo aan ka horimaanayn mooshinnada loo gudbiyo. Isagoo yiri: "Diidmada Shariif Xasan waxay ka horimaanaysaa dastuurka iyo sharciyada dalka."

Kumannaan Soomaali ah ayaa toddobaadyo ka hor ka dhigay Muqdisho dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan heshiiskii Kampala, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid ahaayeen in la hareereeyay madaxbannaanidii iyo xorriyada Soomaaliya.

"Juune 27-keeda (Isniinta soo socota) waxay noqon doontaa maalintii madoobayd ee baarlamaanka ama waxay noqon doontaa maalintii ifaysay ee kuwa xorriyadda dalkooda rumeysan, balse waa haddii ay diidaan heshiiskii Kampala" ayuu Xasharo mar kale yiri.

Xildhibaan Casharo, wuxuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya ay ku adag tahay inuu xaqiijiyo daganaashaha dalka uuna ka-adkaado Al-shabaab, maxaa yeelay waa nin u muuqda inuu la shaqeeyo kooxdaas uuna raalli ka yahay dhibaatada ay dalka ka wadaan.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa Khamiistii toddobaadkii hore u magacaabay xilka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Max'ed Cali oo wax ku bartay Mareykanka, wuxuuna mas'uulkan cusub badalayaa ra'iisul wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo iska casilay xafiiska kaddib markii uu toddoba bilood ku shaqeynayay.

Ugu dambeyn xildhibaannadu waxay ku amaaneen madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki, sida uu mar walba isugu shuqlinayo xal u helidda Soomaaliya iyo inuu indha caalamka ku duwo waxa ka socda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya