Sabti, June 25, 2011 (HOL) – Maydadka labo ruux oo la sheegay in ay ku labisnaayeen dharka ciidanka Puntland ayaa la soo dhigay wadada laamiga ah ee isku xirta Bosaaso iyo Qardho meel ku dhow tuulada Yalho oo 49-km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Waxaa la sheegay in labada ruux madaxyada laga jaray, isla markaana wadada la soo dhigay xalay fiidnimadii, iyadoo arintan ay si aad ah uga argagaxeen darawalada gaadiidka ku safra wadooyinka isku xira qaybaha Puntland.
Warar ka soo baxaya maydadkaasi ayaa sheegaya in ay kamid ahaayeen ciidamo Puntland looga qabsaday dagaalkii Gal-Gala ku dhaxmaray ciidamo dowlada ka tirsan iyo kuwa uu hogaaminayay Sheekh Maxamed Siciid Attam.
"Aad ayaan uga naxnay markii aan aragnay maydadkan, sababtoo ah arinta horay ugama dhicin wali deegaanada Puntland"ayuu yiri Yuusuf Maxamed oo kamid ah darawalada isticmaala wadada maydadkan la soo dhigay, isagoo intaa ku daray in amniga gobolka uu qal-qal ku jiro.
Maamulka gobollka Bari iyo saraakiisha amniga ee dowladda ayaan wali ka hadlin arintan,waxaa tani suurtagal ay ka dhigi kartaa in ay dib u bilowdaan dagaalladii horay uga dhacay degmada Gal-Gala ee gobolka Bari.
Waa markii ugu horaysay oo arintan ay ka dhacdo gudaha Puntland, iyadoo horay ay u jireen xiisado iyo dagaallo u dhaxeeya qaar kamid ah beelaha wada dega gobolka Bari ,kuwaasi oo dad badan iska dilay maalmihii la soo dhaafay.
Magaalada Bosaaso oo maanta laga hadal hayo dhacdadan ayaa waxa soo baxaya warar kale oo sheegaya in deegaanka laga helay maydadka loo diray ciidamo dowladda ka tirsan ,kuwaasi oo halkaa ilaalo ka qaban doona.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya