Xarrakad Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka oo fasaxday ganacsigii ka dhexeeyay Kenya iyo Jubooyinka

Sabti, June 25, 2011 (HOL) – Maamulka Xarrakada Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay fasaxeen dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka dhexeeyay gobollada Jubooyinka iyo Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Sheekh Max'ed Sahal oo kamid madaxda maamulka Xarakad Alshabaab ee Jubooyinka ayaa sheegay in kadib kulamo kala gooni gooni ah oo ay la yeesheen ganacsatada ku dhaqan Gobollada Jubooyinka ay go'aansadeen in ay qaadaan cunaqabateyntii dhanka ganacsiga ee ay kusoo rogeen xuduuda ay gobollada Jubooyinka la wadaagaan Kenya.

"Ganacsiga batroolka ee ka iman jiray Kenya iyo badeecooyinkii laga qaadi jiray marsada magaalada Kismaayo waan fasaxnay kadib markii aan dib isugu noqonnay, " ayuu Yiri Sheekh Max'ed Sahal oo la hadlay Warbaahinta.

Ganacsatada wax kala soo degta Marsadda magaalada Kismaayo ayaa iyagu dhibaatooyin fara badan kuqabay xirnaanshaha ganacsigii ka dhexeeyay Gobollada Jubooyinka iyo Waqooyi Bari Kenya, Maxaa yeelay badeecooyinka ay kala soo degaan Dakadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo waxaa loo iibgeyn jiray gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Hadalkan kasoo yeeray maamulka xarakada Alshabaab ee ay ku ogolaadeen in ay furaan ganacsigii ka dhexeeyay Gobollada Waqooyi Bari Kenya iyo Jubooyinka ayaa waxa siweyn usoo dhaweeyay Ganacsatada Soomaalyeed ee ku dhaqan Gobollada Jubooyinka.

Xarakada Alshabaab ayaa xirtay Dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo midka dadweeynaha ee ka dhexeeyay Jubooyinka iyo Kenya, kadib markii ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada dhoobley ee gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya