Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya oo sheegay in caalamku haatan u soo jeedsatay wax ka qabashada dalka Soomaaliya

Sabti, June 25, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaarihii horeee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmar'arke oo wareysi siiyay BBC-da isagoo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa sheegay in dunidu ay haatan u soo jeesatay wax ka qabashada dalka ay dagaalladu la dageen ee Soomaaliya.

Dr. Sharma'arke ayaa dhanka kale hambalyo u diray ra'iisul wasaaraha cusub ee loo magacaabay Soomaaliya, isagoo ka dalbaday madaxda DKMG ah inay joojiyaan khilaafyada u dhexeeya ayna u guntadaan sidii dalka looga saari lahaa xilliga KMG ah.

"Beesha caalamka waxay u muuqataa inay hadda u soo jeesatay wax ka qabashada xaaladda dalka Soomaaliya," ayuu yiri Sharma'arke oo intaas ku daray: "Mas'uulkii ku dhaqmi waaya heshiiskii la gaaray iyaga ayaa la xisaabtamaya, taasina waa guul weyn."

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ahaa ra'iisul wasaarihii saddexaad oo iska casila dowladda KMG ah tan iyo markii lagu soo dhisay dalka Kenya sannadkii 2004, waxaana ka horreeyay Prof. Cali Maxamed Geeddi oo isku xasilay khilaaf soo dhex-galay isaga iyo madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf iyo Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo isaguna isku casilay taabbo-gelinta heshiiskii Jabuuti ee lagu soo dhisay xukuumadda awood-qaybsiga ku dhisan ee Soomaaliya.

Dr. Sharma'arke ayaa kursiga banneeyay bishii Nofeember 2010, isagoo sheegay inuu u tanaasulay danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed isla markaana uu meesha uga baxo khilaafka u dhexeeya isaga iyo Sheekh Shariif, hadalkaasoo la mid ahaa kii uu toddobaadkii hore jeediyay Maxamed C/llaahi Famaajo markii uu xafiiska ka tagayay.

Hadalka ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo Dr. C/weli Maxamed Cali oo kasoo jeeda Puntland loo magacaabay xilka ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaasoo sheegay inuu ku socon doono jidkii uu Farmaajo falay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya