Dagaalyahanno Ajnabi ah oo ku dhintay duqeyn ay diyaarado dagaal u geysteen saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka Kismaayo

Sabti, June 25, 2011 (HOL) – War maanta oo Sabti ah uu daabacay wargeyska The New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in 15-ruux oo ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab lagu dilay duqeyn Khamiistii ay diyaarado ka fuliyeen saldhig ciidan oo ku dhow degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Wargeyska oo soo xiganayay ilo wareedyo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in sideed ka mid ah dadkaas lagu dilay weerarka diyaaradeed ay ahaayeen shisheeye ka tirsanaa Xarrakada Al-shabaab.

"Weerarka waxaa lagu dilay 15-dagaalyahan oo sideed ka mid ah ay dagaalyahanno shisheeye ah ahaayeen," ayuu wargeysku kasoo xigtay hay'ad u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha oo saldhiggeedu yahay magaalada Kismaayo. Lama sheegin cidda leh diyaaradaha weerarka fuliyay.

Guddoomiyah degmada Kismaayo ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Xasan Yacquub Cali oo saxaafadda la hadlay Jimcihii shalay ayaa sheegay in laba ruux oo ka tirsan dagaalyahannadooda lagu dhaawacay weerarkaas, isagoo sheegay in weerarka ay fuliyeen laba diyaaradood oo ay kala lahaayeen Mareykanka iyo Faransiiska.

Diyaaradaha ayaa dib ugu laabtay badda sida uu sheegay Sheekh Yacquub, kaddib markii ay rasaas ku fureen dagaalyahannadooda, iyadoo deegaanka uu weerarku ka dhacay uu dhinaca koonfureed kaga beegan yahay Kismaayo qiyaastii 10-km.

Inkastoo aanay weli Mareykanku sheegin inay falkaas lug ku leeyihiin haddana dhowr jeer oo hore ayay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku uga fuliyeen gudaha Soomaaliya duqeymo ay ku dileen saraakiil sarsare oo ka tirsan Xarrakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya