Xarrakada Al-shabaab oo gudaha magaalada Kismaayo ka billowday howlgallo dad lagu soo qabqabanayo

Sabti, June 25, 2011 (HOL) – Xoogaga xarakada Alshabaab ee degmada Kismaayo ayaa ka bilaabay gudaha magaalada howlgallo ay ku soo qabqabteen dad fara badan, iyadoona howlgalladani ay ka danbeeyeen kadib weerar xaga cirka ah oo habeen kahor diyaarado nooca helicopterka ah oo aan heybtooda la garaneyn ay ku qaadeen saldhig ay xarakada Alshabaab ku laahayeen deegaanka Qandalka oo 20km dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Sarkaal katirsan xoogaga Xarakada Alshabaab ee Magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Macalim Haaruun ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalladani ay yihiin kuwo ay ku bartilmaameedsanayaan dad uu ku eedeeyay in ay la shaqeeyaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoona xusay in howlgallo ay sameeyeen shalay ilaa maanta ay kusoo qabqabteen ku dhowaad ilaa Sideed qof kuwaa oo la dhigay xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada ammaanka maamulka Xarakada Alshabaab ee Kismaayo ayaa howlgalladooda waxaa siweyn looga dareemayay gudaha magaalada Kismaayo, iyadoona dadka la xirxiray laga soo qabqabtay xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo.

Howgalladani ayaa kusoo beegmaya xilli habeen kahor ay diyaarado nooca helicopterska loo yaqaan ay weerar duqeyn ah ka fuliyeen saldhig ay xarakada Alshabaab ku lahayd deegaanka qandalka, iyadoona aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen duqeymahaasi, marka laga reebo 2 askari oo ku dhaawacantay kuwaa oo qiray gudoomiyaha degmada Kismaayo ee xarakada Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya