Talaado, September 21, 2010 (HOL) − Barakacayaasha ku nool jaamacaddii hore ee Lafoole ayaa maanta sheegay in xubno ka tirsan Xisbul Islaam ay u sheegeen inay isaga guuraan halkaas, sidoo kalena xirxiray dhowr qof oo barakacayaasha ka mid ah.
"Waxaa nalagu amray inaan ka guurno Jaamacadda oo aan muddo dheer barakac ahaan u daganayn, waxaan dagnay waagii aan kasoo cararnay Amxaarada, waxaan ka codsanaynaa maamulka Xisbul Islaam inay soo farageliyaan arrintaan," ayay tiri hooyo 70-jir ah oo qarisay magaceeda, taasoo saxaafadda Muqdisho la hadashay.
Hooyadan, ayaa sheegtay in dhowr qof oo ehelladooda ah ay ciidamadu xirxireen, kuwaasoo lagu eedeeyay inay diideen inay goobta ka guuraan, waxayna codsatay in dadkaas lasii daayo.
Mas'uuliyiin ka tirsan Xisbul Islaam ayaa toddobaadkii hore beeniyay war sheegayay inay burburiyeen qabriyo ku yaallay Jaamacadda gudaheeda, iyagoo xusay inaysan jirin qabriyo ay burburiyeen, balse ay banneeyeen dhul ay dhir badan ka baxday.
"Waxaa nalagu yiri waxaad dhiibtaan 300-Dollar si aad u daganaataan guryihiinna, haddii kalena ka guura," ayay idaacadda Codka Nabadda ee Muqdisho u sheegeen dad ay idaacaddu sheegtay inay diideen in la xigto magacooda iyo codkooda.
Cabashada barakacayaasha ku nool inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa isa soo taraysay dhawaanahan, iyagoo maalmo ka hor ka cowday kaamamkii ay dageen sannooyin ka hor inay burcadbdeeddu iibsatay, dibna looga barakiciyay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya