Dagaallo maalintii labaad ku dhexmaraya Magaalada Muqdisho dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda

Talaado, September 21, 2010 (HOL) − Dagaallo goos-goos ah oo u dhexeeya ciidamada Xisbul Islaam iyo kuwa dowaldda KMG ah oo kaashanaya AMISOM ayaa saakay dib uga bilowday degmada Hodan, iyadoo la maqlayo hubka culus iyo midka fudud.

Iskahorimaadyadan ayaa daba socda kuwo horay shalay gallinkii dambe illaa xalay fiidkii ku dhexmarayay dhinacyadan xaafado ka tirsan degmada Hodan, kuwaasoo geystay in la hubo dhimashada sideed qof iyo dhaawca 20-qof oo kale.

Madaafiic culus ku dhacaysa deegaannada ay labada dhinac ku dagaalamayaan, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaallada saakay dib uga soo cusboonaaday Muqdisho.

"Rasaas wiifto ah ayaa ku soo dhacaysa Isgoyska KM4 oo ay saldhigyo ku leeyihiin AMISOM, jugtana si aad ah ayaa loo maqlayaa" ayay tiri haweeney ganacsi ku leh isgoyska KM4 oo ku dhow halka lagu dagaalamayo.

Goobjoogayaal kale oo ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa iyaguna sheegay in madaafiic culus ay ku dhacayso gudaha suuqa iyo hareerihiisa, taasoo cabsi gelisay dadka ganacsatada ah iyo kuwa u soo dukaameysi tagayay suuqa.

Afhayeenka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Cismaan Caruus ayaa shalay sheegay inay wadayaan dagaalladan, isagoo xusay inay kaga hortagayaan ciidamad dowlada iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inay wadaan qorshayaal dagaal.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya