Talaado, September 21, 2010 (HOL) − Guddoomiyaha degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday inay ka warheleen shirkado diyaaradeed oo doonaya inay dadka sannadkan xajinaya ka iibiyaan fiisooyin been abuur ah.
"Waxaan shacabka gobolka Banaadir ku nool uga digaynaa inay suuragal tahay in laga iibiyo fiisooyinkaasi aan sharci ahayn, taasoo sababi karta inay ku khasaaraan, ugana lunto lacagta ka badan saddex kun oo Dollar," ayuu guddoomiyaha degmada Shangaani Ibraahim Maxamed Mukhtaar (Babaay), saxaafadda ugu sheegay Muqdisho.
Mas'uulkan ayaa sheegay inay sababi karto in dadkaas ay dhibaatooyin kala kulmaan ciidanka ammaanka dalka Sucuudiga, maadaama fiisooyinka ay wataan ay yihiin kuwo aan sharciyeysnayn.
Guddoomiyaha degmada Shibbis, ma sheegin magacyada shirkadaha diyaaradeed ee qorsheynaya inay dadka ka iibiyaan fiisooyinka sharci-darrada ah, wuxuu xusay inay u yimaadeen dad ka tirsan kuwa daggan degmada Shibbis oo arrintan la kulmay.
Ibraahim Babaay, wuxuu xusay in shirkadaha ay wadaan qorshayaal ay sannadan kaga iibinayaan dadka xujeyda ah fiisooyin aan sharci-darro ah, isagoo ugu baaqay waaxda socdaalka dowladda Soomaaliya inay wax ka qabato shirkadahaas.
Guddoomiyuhu, wuxuu uga digay shacabka in fiisooyinka laga iibinayo ay aad ula socdaan, isagoo sheegay inay la xiriiraan haddii ay arkaan arrimahaan oo kale laamaha amniga, si talaabo looga qaado shirkaddii lagu helo falkan.
Waa markii ugu horreysay oo shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed lagu eedeeyo inay ay ku dhiiradaan isku-day ah inay si sharci-darro ah fiisooyin aan sax ahayn ay uga iibiyaan shacabka Soomaaliyeed ee xajinaya.
Shirkadaha diyaaradaha ayaa bilaabay qabashada dukumiintiyada dadka doonaya inay sannadkaan 1431 Hijriyada ay xajiyaan, iyadoo dhawaanna la bilaabi doono duulinta xujeyda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya