Talaado, September 21, 2010 (HOL) − Ugu yaraan 12-qof ayaa ku dhintay dagaallo iyo duqeymo maalintii labaad ku dhexmaraya Muqdisho ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga ururka Xisbul Islaam.
"Dhaawacyada aan shalay iyo maanta qaadnay waxay gaarayaan 42-qof oo isugu jira qaybaha bulshada, waxaana ka qaadnay degmooyinka gobolka Banaadir iyo suuqa Bakaaraha," ayuu yiri Cali Muuse Sheekh oo ah madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ee Muqdisho oo saxaafadda la hadlay.
Cali Muuse, wuxuu sheegay in dhaawacyadan ay geeyeen Isbitaallada Dayniile iyo Madiina, isagoo xusay inay ku jireen dad dhaawacyo halis ah qabay, wuxuuna xusay inay arkeen maydadka toddoba qof intii ay howsha ku jireen.
Dagaallada iyo duqeymaha ayaa weli laga maqlayaa xaafado ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiic dhowr ah ay ku dhaceen suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn caasimadda Soomaaliya.
Ururka Xisbul Islaam iyo dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka kala sheegtay dagaallada labada maalmood ka socday Muqdisho, inkastoo dhinac walba uusan sheegin khasaaraha kasoo gaaray dagaallada u dhexeeya.
Dagaalladii shalay ka dhacay Muqdisho, ayaa sababay dhimashada siddeed qof, sida la sheegay iyo dhaawaca tiro intaas ka badan, kuwaasoo dhammaantood ahaa dadkii shacabka ahaa ee lagu kor dagaalamay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya