Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya Cumar C/rashiid oo iscasilay

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke - Reuters
Talaado, September 21, 2010 (HOL) − Waxaa maanta xilkiisii iska casilay ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shama'arke, isagoo kaga dhawaaqay iscasilaaddiisa xaflad lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya.

"Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya wuxuu warqaddiisii iscasilaadda u gudbiyay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna ku dhawaaqay inuu iscasilay" ayuu Inj. C/raxmaan Yariisow u sheegay HOL.

Intii aysan iscasilaaddu ku dhawaaqin Cumar C/rashiid ayaa waxaa kulan muddo saacad ah qaatay uu la yeeshay Madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sharma'arke, oo si kooban uga hadlay sababta uu isku casilay ayaa ku sheegay inay tahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo xoogeystay iyo dalka oo ku sugan xaalad khatar ah.

"Waxaan ku ammaankayaa ra'iisul wasaarihii hore go'aanka geesinimda leh ee uu qaatay, waxaana sidoo kale u mahadcelinayaa cid walba oo gacan ka geysatay" ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saxaafadda la hadlay iscasilaadda ra'iisul wasaarihii hore kaddib.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacabi doono ra'iisul wasaare cusub oo soo dhisa xukuumad awood u leh inay dalka ka saarto dhibaatada uu ku jiro.

"Caalamka waa la is-qabtaan waana la is-xalliyaan, tanna waxay ka mid tahay xalka laga gaaray khilaafkii soo taagnaa, waana ka mahadcelinayaa," ayuu Sheekh Shariif intaas raaciyay, iyadoo mudanayaal iyo wasiirro ku sugnaa goobta ay iyaguna soo dhaweeyeen iscasiladda Sharma'arke.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid ayaa waxaa u dhexeeyay bilihii ugu dambeeyay khilaaf siyaasadeed sababay inay hadallo isku mariyaan warbaahinta, waxaana khilaafkaas uu saameeyay baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku howlahaa sidii uu labadan ma'suul isugu keeni lahaa, iyadoo hadalkii ugu dambeeyay ee uu jeediyo Sharma'arke uu ku sheegay in dowladdu ay weerari doonto gobollada koonfurta Soomaaliya ku yaalla.

Iscasilaadda ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa imaanaysa iyadoo xalay ruux ka tisran Xisbul Islaam oo isi-soo-miidaamiyay uu weerar ku qaaday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo ugu dambeyn ay toogteen ciidamada ammaanka iyo kuwa AMISOM ee ilaaliya Madaxtooyada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya