Wakiilka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya oo walaac ka muujiyay khilaafka u dhexeeya Madaxda DKMG ah

Talaado, September 21, 2010 (HOL) − Wakiilka Qarammada Midoobay ee arrimaha dalka Soomaaliya Augustine P. Mahiga ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya, sida ugu dhaqsiyaha badan loo xallin doono.

"Saddex jeer ayaa Muqdisho tahay tan iyo markii xilkan la ii magacaabay, waxaana safar ka mid ah uu ahaa dhexdhexaadin aan aniga iyo laba xubnood oo ka socda Midowga Afrika iyo IGAD isugu keenaynay madaxda uu khilaafka u dhexeeyo," ayuu yiri Mahiga oo wareysi gaar ah siiyay VOA-da.

Augustine, wuxuu sheegay in khilaafka u dhexeeya madaxda DKMG ah uu waqti aad qaali u ah ka lumiyay, isagoo xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xallin doono, wuxuuna khilaafyada noocan ah ku sheegay kuwo aan guul lahayn.

"Waa in si wadajir ah dalka wax looga qabto, Muqdisho ayaan joogay markii qaraxa lagu weerarayay garoonka diyaaradaha, inkastoo aan qaraxaas maqlin anigoo ku sugan xerada AMISOM, haddana dadkii uu dilay waxaa ku jiray askarta AMISOM," ayuu yiri Mahiga, oo ku sheegay weerarkaas uu ahaa fursad ka dhalatay khilaafka madaxda dowladda.

Ergaygu, waxaa la weydiiyay hadal ku jiray Qarammada Midoobay oo ay k jirtay in dekedda Kismaayo ay hub iyo dagaalayanno shisheeye uga daganaa Xarrakatul Shabaab, ayuu yiri: "Waa dhab taas, waxaa intaas dheer inay ka helaan dhaqaale badan oo ay dagaallada ku dawaan, kalana dagaan madaafiic culus."

Sidoo kale, mar uu soo hadal qaaday ciidamada 20,000-askari ah ee uu ka dalbay Qarammada Midoobay in la ogolaado in Soomaaliya la geeyo, ayuu sheegay inay yihiin kuwo la doonayo inay dalka wax ka qabtaan, balse la hormarinayo 2,000-askari.

Khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dhawaan ay kasoo baxana go'aanno kama dambeys ah, iyadoo mas'uul walba uu dadaal ugu jiro sidii uu ku kasban lahaa xildhibaanada baarlamaanka oo loo adeegsado xallinta khilaafyada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya