Khamiis, 21 Oct, 2010 (HOL) Kadib dagaallo iyo duqeymo is bar bar socday oo maata ku dhaxmaray duleedka magalada Beledweyne xoogagga Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayeey hadda xaaladu u muuqataa mid ka yara xasiloon sidii ay saacado ka hor aheyd, inkastoo haddana wali ay is hor fadhiyaan kooxihii dirirtu dhaxmartay.
Inta laga warqabo khasaaraha dagaallka maanta ayaa lagu sheegay in uu gaarayo 4 ruux oo dhimasho ah, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana xusid mudan in dagaallka maanta xoogiisu ahaan mid leysku
adeegsanayay madaafiic iyo qoriga loo yaqaanno hoobiyaha oo meelaha qaar laga maqlayay.
Saraakiil ka tirsan kuwa Xarrakada Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in dagaallkii maanta ay ku gubeen gaadiid ay wateen ciidamada Itoobiya oo uu ka mid ah gaariga ciidamada xanbaara ee Uuralka ah, kadib markii sida ay sheegeen gubista gadiidkaasi ay u adeegsadeen Miino nooca kuwa dhulka lagu aaso ah.
Laakiin marka laga soo tago sheegashada Saraakiisha Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca kale, gaar ahaan Saraakiisha Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo ka hadllaya dagaalladii maanta iyo waliba wax ka jira warka ku saabsan gadiidka sida ay sheegeen Xarrakada Al-shabaab lagu gubay dagaallka.
Dadka ku dhaqana magaalada Beledweyne ayaa hadda u muuqda kuwo la qabsaday dagaallada maalmihii aynu soo dhaafnay ku dhaxmarayay dhinacyada iska soo horjeeda duleedka Beledweyne, waxaana maanta caadi ahaa guud ahaanba ganacsiga magaalada, dadkuna waxaa ay u muuqdeen kuwo aan war iyo wacaal toona u aheyn dagaallada socda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya