
Khamiis, October 21, 2010 (HOL) – In ka badan 180-xubnood oo ka kooban dhallinyaro ka kala socotay degmooyinka G/Banaadir iyo xubno ka socday ururrada bulshada gobolka Banaadir ayaa saakay Seminaar uga furmay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana Seminaarkaasi oo uu soo qabanqaabiyay ururka SYL-2 sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaanno, madax ka tirsan G/Banaadir, Waxgarad, Ganacsato iyo Culumaa'udiinka gobolka.
Xubnaha ka qeyb galay furitaanka ayaa khudbadihii ay halkaasi ka jeediyeen talooyin ku aadan dhallinyarada Soomaaliyeed sidii looga weecin lahaa hurinta colaadaha iyo tarbiyada qaldan ee la barayo, isla markaasina loogu jiheyn lahaa wadada horumarka, halganka loogu jiro sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa iyo arrimo kale oo horumarineed.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada SYL2 Faarax Xaaji Cali Jilacow oo khudbad kooban ka jeediyay furitaanka Seminaarka waxa uu ka warbixiyay himilooyinka ururkiisu uu hiigsanayo, waxa uuna sheegay inay ka mid yihiin: Horumarinta dhallinyarada, sidii dhallinyarada looga samatabixin lahaa jiilka yaryar ee nasiib darradu ku habsatay, kaddib colaado aan dhammaad lahayn oo ay wehel u noqdeen.
"Ururka SYL-2 waxa uu hiigsanayaa mustaqbalka dhow iyo midka fog isagoo kaashanaya bulshada qeybaheeda kala duwan iyo deeq bixiyayaasha ka damqanaya burburka daashaday da'yarta," ayuu yiri Guddoomiyaha ururka SYL-2 Md. Faarax Xaaji Cali Jilacow oo dhinaca kale sheegay in ururkiisu dhallinyarada u sameynayo barnaamijyo kala duwan oo isugu jira tababaro xirfadeed iyo mid maskaxeed si ay u noqdaan mustaqbalka kuwa wax qabsan dalkoodana dhisa.
Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) oo ah Agaasimaha Wasaaradda Garsoorka iyo arrimaha diinta kana mid ahaa xubnihii halkaasi ka jeediyay khudbadaha ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee maanta loo adeegsado dagaalada, waxa uuna sheegay in lagu tarbiyeeyo sidii ay wax u dili lahaayeen, hase yeeshee mar uu ka hadlayay sida waalidka uga gaabiyay tarbiyada ubadka soo koraya waxa uu soo qaatay dhacdo hooyo Soomaaliyeed ay kula kacday laba wiil oo ay dhashay, wuxuuna Sheekh Cali Dheere sheegay in haweeneydaasi ay ka hadleysay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho, iyadoo haweeneyda wiilkii ugu horeeyay u gacan gelisay kooxaha mucaaradka ah ee dhallinyarada ku tababarta dagaalada, wiilkii waa shahiiday hadana mid kale ayay u keentay, iyadoo bulshada ugu baaqeysa inay caruurtooda keenaan si iyana loogu tababaro dagaalada, taasi oo uu sheegay Sheekh Cali Dheere inay tahay waxyaabaha lala yaabo ee cajiibka noqday.
"Qalooc ayaa yimid maanta, waxowna ka yimid in ilmihii iyagoo aan waxba ka garaneyn maskaxdooda lagu shubo inuu jihaad gelayo oo Gaallo uu la dirirayo sidaasna uu Jano ku gelayo, waxaana taas daliil u ah in wiil ka yimid dalka dibadiisa oo la yiri Gaalo ayaa la dagaaleysaa markii uu yimidna dadkii ugu horeeyay ee uu la kulmo iyagoo la dilayo, ka codsaday inuu isagu ku hor maro bacdamaa dilka dadka ehelkaaga ah aanay diinta Islaamka ku bannaaneyn" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sheekh Cali Dheere ayaa ku ammaanay madaxda hay'adda SYL-2 ee iyadu soo qabanqaabisay seminaarkaasi dadaalka ballaaran oo hay'addu ugu jirto sidii dhallinyarada looga leexin lahaa wadada qaldan, isagoo sheegay inuu isagu diyaar u yahay mira dhalinta arrintaasi ee dhallinyarada Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa dhallinyarada, "Diinta Islaamka ma qabto in dhallinyarada lagu tarbiyeeyo iyo in loo tababaro dilka qofka bani'aadamka ah" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) oo halkaasi khudbad ka jeediyay waxa uu ku dheeraaday dhibaatada maanta soo wajahday dhallinyarada Soomaaliyeed iyo ficilada gumeystihii Soomaaliya ee isbed bedelayay sanadba sanadka ka dambeeya, wuxuuna sheegay in tahriibka dhallinyarada uu ka mid yahay saddex siyaabood oo gumeystaha qarnigan adeegsado.
"Dhallinyarada iyagoo tahriibaya badaha ku dhammaanaya waxay u socdaan dalalkii gumeysanayay, isaga ayaana ka shaqeeyay taas" ayuu yiri Xildhibaan Cumar Filish oo ku booriyay ururka SYL-2 inay u tabliiqeeyaan sidii ay dhallinyarada ugu hagi lahaayeen wadada toosan, isagoona sheegay in nasiib darrada maanta ku habsatay dalka ay ka mid tahay in dhallinyaradii ay noqdeen saddex qeyb, waa mida koowaade kuwo u go'ay isticmaalka daroogada kala duwan, kuwo uu ku dhacay buufis iyo kuwo loo tababaray bambooyinka iyo waxyaabaha qarxa inay dadkooda ku laayaan, wuxuuna ku booriyay dhallinyarada asaastay ururka SYL-2 inay sameeyaan wacyi gelin fara badan, isagoona qeybaha bulshada ka codsaday in SYL-2 lagu garab galo dadaalkeeda ku aadan horumarinta dhallinyarta maanta.
Sidoo kale waxaa halkaasi khudbad ka jeediyay mid ka mid ah macallimiinta machadka SIMAD oo lagu magacaabo Ducaale Aadan Maxamed ayaa halkaasi khudbad ka jeedinayay waxa uu sheegay in ururka SYL-2 iyo qorshihiisa ku aadan dhallinyarada Soomaaliya uu yahay mid aad loogu farxo isla markaana ah urur taariikhda dalka ka geli doona baal dahab ah.
Drs. Nuurto Sheekh Maxamuud oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa ugu horeyntiiba uga mahad celisay madaxda iyo maamulka ururka SYL-2 loona baahan yahay in dhallinyarada maanta jirta ay isu xilqaanto arrimaha nabadda iyo gargaarka dadka danyarta ah, iyadoona kula dardaarantay xubnaha ururkaasi in Seminaarada noocaan oo kale ay gabdhaha ku badiyaan, bacdamaa ay iyagu yihiin kuwo si dhab ah wax uga bedeli kara xaaladda cakiran ee dalka ka jirta.
Xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa kale oo ka mid ahaa Abwaan Carabow, Saciid Mogambe, Xasan Maxamed Gaafow, C/Salaan Daahir Cabdulle K/X Guddoomiyaha Maamulka G/Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada iyo Macallim Maxamed Ibraahim Aadan oo dhammaantood isku aragti ka ahaa dhallinyarada maanta sidii looga saari lahaa dhibaatada ka soo wajaheysa xaaladda adag ee dalka ka taagan.
Seminaarka uu soo qabanqaabiyay ururka SYL-2 ayaa dhallinyarada ka qeyb gashay waxay doodo ka yeesheen su'aalo ku wajahan xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana su'aalahaasi ka mid ahaa:
1. Maxaa asal u ah mushkiladaha dhallinyarada?
2. Maxaa kalifay in looga faa'iideysto hurinta colaadaha?
3. Maxaa ku khasbay inay dalkooda ka cararaan halisna geliyaan nafsadooda?
4-Sidee loogu shubay dhallinyarada maskaxdooda afkaarta qaldan ee ku saleysan mabda'a?


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya