Khamiis, October 21, 2010 (HOL) − Ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, sidee qof oo kalena way ku dhaawacmeen madaafiic ay ciidammada AMISOM xalay ku garaaceen degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho.
Duqeymahan, oo ahaa kuwo culus, ayaa lagu garaacay degmooyinka Wardhiigley, Howl-wadaag, Hodan, Kaaraan iyo Yaaqshiid, waxaana saddex ka mid ah dadka dhintay ay kasoo jeedaan hal qoys.
"Saddex ayaa ku dhintay guri ku yaalla degmada Kaaraan, kadib markii ay xalay saqdii dhexe ku dhaceen dhowr madfac, afar qof oo qoyskii daganaa ka tirsanna way ku dhaawacmeen," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmadaas.
Degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhacay madafiic kale, waxaana ka mid ah degmada Wardhiigley oo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay laba qof oo shacab ah, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale, waxaa madaafii badan oo ku dhacay degmooyinka kale aan la ogeyn, khasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen, iyadoo dhaawacyadii isla xalay loo qaaday isbitaallada Dayniile iyo Keysaney.
Sarakiisha AMISOM iyo kuwa DKMG ah, ayaan weli ka hadlin duqeymahan, sababay khasaaraha nafeed ee shacabka ku dhacay, iyadoo tani ay qayb ka tahay duqeymaha lagu garaaco Muqdisho ee khasaaraha ugu badan uu shacabka ka gaaro.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya